[Topnews:-] Sida ugu fudud ee Farmaajo Muqdisho looga saari karo ama nolol loogu qaban karo ?

0
Wednesday April 14, 2021 - 07:30:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4229
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Sida ugu fudud ee Farmaajo Muqdisho looga saari karo ama nolol loogu qaban karo ?

    Waagacusub.com - Saraakiisha Ciidanka ee u dhashay beelweynta Hawiye waxey dhamaantood sheegeen iney u diyaar yihiin halganka hubeeysan ee lagu badbaadinaa dadka iyo degaanka hasse yeeshee waxaa loo baahan yahay istaraatiijiyad muhiima.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Saraakiisha Ciidanka ee u dhashay beelweynta Hawiye waxey dhamaantood sheegeen iney u diyaar yihiin halganka hubeeysan ee lagu badbaadinaa dadka iyo degaanka hasse yeeshee waxaa loo baahan yahay istaraatiijiyad muhiima.

Midowga Musharaxiinta iyo Xildhibaanadda Mucaaradka waxaa looga baahan yahay iney k a guuraan degaanadda ay ku nool yihiin , kadibna ay degaan degmooyinka qabiiladooda.

Midowga Murashaxiinta marka ay ka guuraan xaafadaha ay hadda degan yihiin. kadib waxaa la xirayaa guud ahaan wadooyinka galla dekadda iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Saraakiisha kala duwan ee Ciidamadda iyo masuuliyiinta Midowga Murashaxiinta ayaa si wadajira shacabka ugu xaqiijin doona in la galay xaalad dagaal kadibna hoowlgalka ugu weyn wuxuu noqonayaa in Korontadda iyo BIyaha laga jaro Villa Somalia.

Waxaa aad loo adkeeynayaa oo Ciidan xoogan la dhigayaa dhamaan wadooyinka uu ku baxsan karo Farmaajo oo ay beesha Caalamka kala dhinteen ,sidoo kalena waxaa la weydiisanayaa Ciidanka AMISOM iney Farmaajo ku wareejiyaan Waaxda Cadaaladda si Maxkamad loo geeyo.

48 Saac gudahood Midowga Yurub , Mareykanka iyo UK waxey soo saarayaan war ku saabsan in cunaqabateeyn la saaray Farmaajo, Mursal ,Rooble, Fahad Yasin, Cabdiraxman dheere , Mahad Cawad ,Abdullahi Kulan, Taliye Xijaar ,Cali Guudlaawe,Axmed Qoor Qoor, Cabdicasiis Lafta gareen, Cumar Filish iyo inta badan taliyeyaashiisa Ciidamadda gaarka ah.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa hubaala in Farmaajo nolol lagu qaban doono ama la dili doono haddii Siyaasiyiinta Mucaaradka iskaga guuraan degaanadooda.

[email protected]


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...