[Topnews] Axmed Qoor Qoor oo ku guuldareystay inuu fashiliyo Mucaaradka iyo Wejigabaxii ku dhacay ?

0
Sunday April 18, 2021 - 07:55:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Axmed Qoor Qoor oo ku guuldareystay inuu fashiliyo Mucaaradka iyo Wejigabaxii ku dhacay ?

    Waagacusub.com - Axmad Qoor Qoor ayaa noqday shaqsi u adeega danaha gaarka ee Farmaajo, isaga oo meel cidla ah uga dhaqaaqay dareenka iyo rabitaanka shacabka reer Galmudug ee uu madaxda u yahay. Seddexdii asbuuc ee la soo dhaafay ayuu ku mashquulsana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Axmad Qoor Qoor ayaa noqday shaqsi u adeega danaha gaarka ee Farmaajo, isaga oo meel cidla ah uga dhaqaaqay dareenka iyo rabitaanka shacabka reer Galmudug ee uu madaxda u yahay. Seddexdii asbuuc ee la soo dhaafay ayuu ku mashquulsanaa in uu fashiliyo mucaraadka ama qorshaha guud ee la doonayay in looga heshiiyo geedi socodka doorashooyinka dalka.

Afar Habeen ka hor waxaa Muqdisho ku kulmay musharaxiinta kala ah Shiikh Shariif, Cabdiraxman Cabdishakur, Xasan khayre iyo Axmed qoorqoor, waxbadan oo laga wada hadlay kadib, Qoor Qoor waxaa u sheegay in uu qaatay taladdii musharaxiinta oo aheyd in Farmaajo meel looga soo wada jeesto balse waxuu codsaday in la keeno Cali Guudlaawe.

Iyada oo la tixgalinayo codsigii Qoor Qoor, waxey musharaxiinta Abgaal ee kala ah Shiikh Shariif iyo Cabdulqadir Cosoble la shireen Cali Guudlaawe. Gabagabadii kulanka ayaa Cali Guudlaawe codsaday in isaga iyo Qoor Qoor meel la iskugu keeno si go’aan wadajir ah loo qaato. Isaga oo cadeeyay in uu diyaar u yahay inuu taageero go’aan loo dhan yahay.

Si loo helo midnimo buuxda, Musharaxiintii waxay isku keeneen Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe isla markaana loo meelmariyo go’aankii horay loogu heshiiyay ee ahaa in Farmaajo dowladiisa meel looga soo wada jeesto.

Meeshii go’aan laga gaari lahaa ayaa Axmed Qoor Qoor oo sidiisabe ah aalad uu adeegsado Farmaajo waxa uu soo jeediyay fikir ah in inta aan go’aan kama danbeeys ah la gaarin in isaga iyo Cali Guudlaawe fursad la siiyo si ay ula kulmaan Farmaajo iyo Rooble. Waxa ayna u sababeeyeen iney siiyaan digniin kama danbeeys ah oo looga soo horjeedo waqti kordhinta.

Musharaxiinta oo wali rajo ka qabo Qoor Qoor ayaa ogolaaday in labada nin soo arkaan Farmaajo habeenka Sabtiga oo axada soo galaysana ay si wadajira ula kulmaan mushraxiinta. Kulankaas ka dibna lagu heshiiyo in maalinta Isniinta shirkii beelaha Hawiye lagu qabto Muqdisho oo labada Madaxweyne ka sheegaan mowqifkooda, una sheegaan beelweynta Hawiye iney ka soo horjeedaan siyaasada khalafsan ee Farmaajo.

Hadaba markii xalay la isugu yimid kulankii loo ballansanaa,  Qoor Qoor wuxuu bilaabay in uu dib uga gurto go’aankii sida wadajirka ah loo qaatay. Waxa uuna sheegay inuu fariin ka wado Farmaajo oo ku doonayo in uu la kulmo musharaxiinta. 

Midowga Musharaxiinta ayaa qaadacay codsiga Farmaajo oo ujeedadiisu ahayd inuu beesha caalamka u sheego inuu la kulmay Musharaxiinta. uuna wada hadal la leeyahay Mucaaradka.

Markii la weydiiyay meelmarinta ballantii hore ee ahayd iney ku dhawaaqaan in ay labada madaxweyne ka soo horjeedaan mudo kororsiga, Qoor Qoor ayaa ka biyo diiday isaga oo sheegay in uu rabo inuu dib ugu laabto Farmaajo oo u fartiinta diidmada la kulankiisa uu u geeyo.

Kulankii xalay ayaa ku soo dhamaaday fashil iyo in lagu kala tago. Qoor Qoor ayaa u muuqday inay ka go’an tahay inuu kala jabiyo mucaaradka Farmaajo, gaar ahaan inuu mugdi galiyo midnimada Hawiye ee saacadba saacada ka danbeysa isasa soo taraysa.

Su’aasha waxa ay tahay waa maxay talaabada ay shacabka reer Galmudug ka qaadi doonaan Qoor Qoor?, gaar ahaan wasiiradiisa ay ku jiraan Axmad Macalin Faqi iyo Saabir Shuuriye? Ma iscasli doonaan? Maxay sameeyn doonaan xildhibaanada Galmudug?


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...