Banaanbax Looga Soo horjeedo Farmaajo oo muqdisho ka Dhacay.

0
Sunday April 18, 2021 - 23:12:30 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbax Looga Soo horjeedo Farmaajo oo muqdisho ka Dhacay.

    Banaanbax xoog leh ayaa hadda ka bilaawday xafadda Shiirkole ee degmada Hodan, halkaas oo uu Degenyahay Jeneraalkii ay Farmaajo isku dhaceen ee Saadaq Joon, waxaana dhigaya banaanbaxaan dad u badan dhalinyaro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Banaanbax xoog leh ayaa hadda ka bilaawday xafadda Shiirkole ee degmada Hodan, halkaas oo uu Degenyahay Jeneraalkii ay Farmaajo isku dhaceen ee Saadaq Joon, waxaana dhigaya banaanbaxaan dad u badan dhalinyaro.
Banaanbaxaan ayaa looga soo horjeedaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxayna dadka dhigaya ku qeylinayaan erayo ay ka mid yihiin "Kaligi taliye dooni meyno, hoggaamiye kooxeed dooni meyno, sharci jebiye dooni meyno, doorasho diid dooni meyno”.

Xaafadda Shiirkole waxay noqotay aag u xoreysan taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Joon oo ay isku dhaceen Farmaajo.
Loading...


Markii laga reebo halka wado ee ka leexata isgoyska Balaaksii ee aadda isgoyska Shiirkole, wadooyinka kale ee gala xaafadaas waxaa lagu jaray Carro, waxaana difaac uga jira ciidamo daacad u ah, Jeneraal Saadaq Joon.

Ugu yaraan labadii habeen ee lasoo dhaafay ayaa la sheegay in dowladdu qorsheyday inay Shiirkole ku weerarto Saadaq Joon, balse ma suurta gelin.

Xalay waxaa tegay xaafadda Shiirkole oo shir jaraa’id ku qabtay xildhibaano ka soo jeeda beelaha Hawiye, kuwaas oo ku goodiyey in gacmaha aysan ka laaban doonin hadii dowladdu ay isku daydo inay soo weerarto Shiirkole iyo Saadaq Joon.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...