Golaha Ammaanka QM oo La Filayo Maanta inuu Diido Muddo Kordhinta Farmaajo

0
Tuesday April 20, 2021 - 14:34:03 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 1042
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Ammaanka QM oo La Filayo Maanta inuu Diido Muddo Kordhinta Farmaajo

    Kadib diidmada Yurub iyo Mareykanka ee muddo kordhinta Farmaajo iyo rajo xumida uu kala kulmay Afrika, Farmaajo waxaa ay maanta dhegahiisu maqli doonaan diidmo kale, markan waa golaha ammaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib diidmada Yurub iyo Mareykanka ee muddo kordhinta Farmaajo iyo rajo xumida uu kala kulmay Afrika, Farmaajo waxaa ay maanta dhegahiisu maqli doonaan diidmo kale, markan waa golaha ammaanka. Golaha ammaanka ee qaramada Midoobey ayaa galabta oo talaadada ah waxaa lagu wadaa iney ka doodaan muddo kordhinta, ajendahahan oo UK miiska keeneyso waxaa sidoo kale warbixinno laga dhageysan doonaa: James Swan, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM); Danjire Abuukar Daahir Cismaan, Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya UN; Workneh Gebeyehu, Xoghayaha Fulinta ee urur Goboleedka IGAD; Bankole Adeoye, Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga; iyo Rita Laranjinha, oo ah Agaasimaha Midowga Yurub ee Afrika.
Loading...


Sida ay wararka sheegayaan xubnaha qaar ayaa si cad Farmaajo u fari-doonna inuu dib ugu laabto hirgelinta heshiikii September 17 halka in kale ay soojeedin doonaan in dhexdhexaadiyeyaal caalamiga ah ay u kala dab qaadaan maamulka Farmaajo iyo mucaaradka.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...