Dalalka Amisom oo go'aan kasoo saaray muddo kororsiga Farmaajo Iyadoona Amar la Siiyay Ciidanka Amisoom

0
Thursday April 29, 2021 - 16:28:01 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalalka Amisom oo go'aan kasoo saaray muddo kororsiga Farmaajo Iyadoona Amar la Siiyay Ciidanka Amisoom

    Kulankii 32-aad ee Gudidga Isku xirka dalalka Ciidamada iyo Booliska ku tabaruca Amisom ee loo yaqaan (T/PCCs) oo 28-kii bishan lagu qabtay hab online ah, ayaa laga soo saaray go'aano la xiriira xaaladda Soomaaliya ee iminka iyo xiisadda ka dhal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii 32-aad ee Gudidga Isku xirka dalalka Ciidamada iyo Booliska ku tabaruca Amisom ee loo yaqaan (T/PCCs) oo 28-kii bishan lagu qabtay hab online ah, ayaa laga soo saaray go'aano la xiriira xaaladda Soomaaliya ee iminka iyo xiisadda ka dhalatay muddo kororsiga hay'adaha dowladda federaalka.

Kulanka oo uu guddoominayey madaxa arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, Bankole Adeoye, ayaa waxaa ka qeyb-galay wakiilo ka socday dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone iyo Uganda.

Qoraal kasoo baxay kulanka ayaa mar kale ku celiyey cambaareyntii Midowga Afrika ee ku aadaneyd go’aankii halka dhinac ah, ee ay 12-kii iyo 13-kii April qaateen Golaha Shacabka Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo ay muddo kororsi laba sano ah ku sameysteen.

Kulanka ayaa sidoo kale mar kale xaqiijiyey in heshiiska 17-ka September, uu yahay waddada wada-xaajoodka hanaanka doorashada Soomaaliya. 

"Dalalka T/PCCs waxay isku raaceen in Amisom ay qaado tallaabooyin looga hortagayo rabshado ka dhaca Muqdisho iyo meelaha ka baxsan, ayada oo sidoo kalena la ilaalinayo lana sugayo goobaha Amisom,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen.

Kulanka ayaa tusmeeyey in xaaladda Soomaaliya ee iminka ay tahay mid welwel leh oo sii xumaaneysa, waxayna ku cel-celiyeen baaqyada ku aadan in la qaado tallaabooyin lagu xoojinayo kalsoonida iyo is-aaminadda iyo in la billaabo wada-hadallo lagu gaaro heshiis.

Waxay soo dhoweeyeen hadalkii Farmaajo ee ahaa inuu Aqalka Hoose ku celinayo qaraarkii 12-kii April ee muddo kororsiga, si dib loogu laabto heshiiska 17-ka September.

Ka qeyb-galayaasha kulanka ayaa ugu dambeyn ka codsaday Amisom inay ka fogaato inay lugaha la gasho siyaasadaha Soomaaliya, ayna dhex-dhexaad ka ahaato dhinacyada isku haya siyaasadda, si ay u fududeyso in Muqdisho laga dhigo aag ka caagan militariga.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...