Dowladda Qadar oo amiir Cusub Somalia usoo magacaabeeyso
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dowladda Qatar ay u soo dirayso Soomaaliya ergay atodobaadka soo socdo. Ergaygan oo lagu magacaabo Dr. Mutlaq Alqaxdaani ayaa ah ninka hoggaaminayay wadahadallada lala galayay Taalibaan.
Wararka aan helnay waxay sheegayaan in ergayga Qatar uu doonayo inuu la kulmo dhammaan qaybaha kala duwan ee isku haya siyaasadda Soomaaliya iyo wakiilada beesha caalamka.
Soomaalida badankeed iyo wakiilada beesha caalamka ayaa rumaysan in Qatar ay tahay maalgeliyaha dowladda Farmaajo tan iyo 2017, iyadoo bixisa kharashka howlgallada ciidan iyo siyaasadeed.
Todobaadkii hore ayeey wasaaradda arrimaha dibada ee Qatar beenisay warar diblomaasiyadeed oo ku eedeeyay inay lacago boorso lagu qaado soo mariso taliyaha nabadsugidda Fahad Yasin.
Xogaha qaar ayaa tilmaamayo inay Qatar doonayso inay beesha caalamka iyo siyaasiyiinta mucaaradka u muujiso inaysan taageero gaar ah u haynin Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Leave a comment
Waagacusub TV
Loading...