Waxaa maalinkii labaad galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka ee uu guddoominayo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

1
Sunday May 23, 2021 - 11:20:44 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 1659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaa maalinkii labaad galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka ee uu guddoominayo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

    Shirka oo ay ka qeyb galayaan madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa shalay ku bilowday jawi wanaagsan oo Hididiilo leh, waxaana maanta sii socon doona wada hadallada la xiriira arrimaha muhiimka ah ee ku saabsan doorash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka oo ay ka qeyb galayaan madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa shalay ku bilowday jawi wanaagsan oo Hididiilo leh, waxaana maanta sii socon doona wada hadallada la xiriira arrimaha muhiimka ah ee ku saabsan doorashooyinka dalka iyadoo laga amba qaadayo heshiiskii 17-kii September iyo soo jeedinnadii 16-kii February.
Ra'isul Wasaaraha wax uu doonayaa intii suuragal ah in la soo koobo qodobbada muhiimka ah ee ay madaxdu kaga xaajoonayaan kulamadoodu si xal ka gaaristoodu ay u fududaato iyada oo maanka lagu hayo isu tanaasul, is qancin walaaltinimo, ahmiyadda koowaadna la siinayo badbaadada shacabka Soomaaliyeed iyo dalka uu aado doorasho leysla ogol yahay oo dhaqso ku qabsoonto. 

Kulamada Madaxdu waxa ay  ku socdaan sidii Ra’isul Wasaaruhu u qorsheeyay oo ay ku jirto in mararka qaar hadii muhiim loo arko in Madaxdu ay ballamo gaar gaar ah sameystaan oo si hoose u wada hadlaan.

Loading...

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ka mahadcelinayaa taageerada Shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta oo ay ku jiraan Midowga Murashaxiintu u muujiyeen dadaallada Ra’iisul Wasaaraha ee ku aaddan in heshiis laga gaaro sidiii dalku doorasho u aaddi lahaa sida ugu degdegta badan.


Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...