[Xukuumadda] Soomaaliya oo 34-xubnood ka saartay Guddiga Doorashooyinka!

0
Sunday June 06, 2021 - 07:17:24 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1419
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xukuumadda] Soomaaliya oo 34-xubnood ka saartay Guddiga Doorashooyinka!

    Guddiga Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u xilsaaray ka saarista Guddiga Doorashooyinka heer Federaal & heer Dowlad-Goboleed ee lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Hay'adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka NISA, Madaxtooyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u xilsaaray ka saarista Guddiga Doorashooyinka heer Federaal & heer Dowlad-Goboleed ee lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Hay'adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka NISA, Madaxtooyada & shaqsiyaad caadeystay taageero u muujinta madaxda muddo xileedkoodu dhammaaday. Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaj (Cabdullaahi Carab) Wasiirka Waxbarashada XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Ra'iisul Wasaare Rooble howshaan u xilsaaray waxa uu sheegay in 34-ruux ay ka dhex heleen 67-da qof ee cabashada laga gudbiyay.

Guddoomiye Cabdullaahi waxa uu sheegay in ay ka fiiriyeen dhinacyo kala duwan oo ku qotontay qiimeyntooda isla markaana shaandheynta ay sameeyeen ku heleen 34-taas xubnood oo ka kala yimid Dowlad-Goboleedyada & Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

"3-dii June 2021 oo aan la wareegnay cabashada Xubnaha Guddiga 67-da xubnood waxa aan ku sameynay baaris iyo hubin waxaana kasoo dhex saarnay 34-ruux oo aan dhameystirneen hannaankooda shuruudaha Guddiga waxa ay ka kala yimaadeen Dowlad-Goboleedyada iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay, dib ayaan ugu celinay meelihii laga soo magacaabay si loosoo badalo 48-saac (labo cishe)” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Guddiga uu magacaabay RW Rooble.

May be an image of 1 person

Cabdiraxmaan Al-Cadaala, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS ahna Afhayeenka Guddiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa Warbaahinta u sheegay in xubnahaan ay ka kala yimaadeen Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle, Galmudug, Koofur Galbeed, Puntland, Somaliland & Beelaha Banaadiriga ah.

"34-taas Xubnood waxa ay kala ahaayeen 11-xubnood oo ah Guddiga maamulka Doorashooyinka heer federaal FIAT, 3-xubnood oo ah xalinta Khilaafaadka, 7-xubnood oo ah Guddiga maamulka Doorashooyinka heer Dowlad-Goboleed ee Somaliland, 5-xubnood heer DG Galmudug, 3-xubnood koofur galbeed, 2-xubnood HirShabeelle, 5-Banaadiriga ah 1-xubin Puntland, Jubbaland oo badashay xubno geeriyooday iyo kuwo tabasho laga keenay, 3-xubnood oo Somaliland kasoo jeeda oo tabasho laga keenay balse ay kawada hadlayaan Ra’iisul Wasaaraha, ku xigeenkiisa & Guddoomiyaha Aqalka sare” Sida uu sheegay Al-Cadaala.

May be an image of 1 person, sitting, wrist watch and suit

Heshiiskii dhacay 27-kii May 2021 waxa uu albaabada u furay in muddo 60-cishe ah dalka ay uga dhacdo doorashooyin ay ku heshiiyeen Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad-Goboleedyada & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...