[Qaramada] Midoobay oo xaqijisay ku lug lahaanshaha ciidamo Soomaali ah oo kadagalamay G.Tikrey

0
Tuesday June 08, 2021 - 14:11:20 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Qaramada] Midoobay oo xaqijisay ku lug lahaanshaha ciidamo Soomaali ah oo kadagalamay G.Tikrey

    Warbixinta Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka ayaa looga hadlay wararka sheegaya ku lug lahaanshaha Ciidamada Eritrea dagaalka Tigray iyo in Ciidamo Soomaali lagu arkay Gobolka Tigray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixinta Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka ayaa looga hadlay wararka sheegaya ku lug lahaanshaha Ciidamada Eritrea dagaalka Tigray iyo in Ciidamo Soomaali lagu arkay Gobolka Tigray. Warbixinta oo ka koobneyd illaa 17 bog ayaa lagu sheegay in Ergeyga gaarka uu helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida in laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee dagaalka Tigreega, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen Xadka Itoobiya

Loading...

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in dagaalyahanno Soomaali ah ay joogeen agagaarka magaalada la yiraahdo Aksum ee Gobolka Tigray.

Marka laga soo tago wararka sheegaya ku lug lahaanshaha ciidamada Eriteriya dagaalka Tigreega, wakiilka gaarka ah wuxuu sidoo kale helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigreega, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen Ethiopia soohdinta.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in lagu arkay ciidamo Soomaali ah oo laga qaaday dalka Eritrea magaalada Aksum oo ka mid ah magaalooyika waaweyn ee gobolka Tigrey kuwaasoo ay dagaalo xoog leh ka dhaceen.

"Sidoo kale waxaa ixtiraam mudan in ciidamada soomaalida ah ay joogeen agagaarka magaalada Aksum. Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay ka qeyb qaadashada askarta Soomaaliya ee dagaalada Tigreega, waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in guddi ka socda baarlamaanka Soomaaliya ay ka dalbadeen madaxweynaha Soomaaliya sharaxaad ku saabsan halka ay ku dambeeyeen ciidamadii Soomaaliya ee loo diray Eritrea. Ergeyga gaarka ah waxaa lagu wargaliyay in guddiga arimaha dibada iyo difaaca ee baarlamaanka ay u yeereen madaxa dowlada si ay ugu diraan Asmara wafdi xaqiiqa raadis ah si baaritaan loogu sameeyo.”

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...