[Ciidamo] ka amar qaata Fahad Yasiin oo galay xafiiska guddiga difaaca BF, xog badanna ka qaatay

0
Thursday June 10, 2021 - 02:02:45 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Ciidamo] ka amar qaata Fahad Yasiin oo galay xafiiska guddiga difaaca BF, xog badanna ka qaatay

    Muqdisho (WAAGACUSUB) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamo ay u dhaceen xafiiska guddiga difaaca golaha shacabka Soomaaliya, oo waday baaritaan la xiriira dhallinyarada Soomaaliyeed ee askar ahaanta loogu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (WAAGACUSUB) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamo ay u dhaceen xafiiska guddiga difaaca golaha shacabka Soomaaliya, oo waday baaritaan la xiriira dhallinyarada Soomaaliyeed ee askar ahaanta loogu qaaday dalka Eritrea

Ilo-wareedyada oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in ciidamo ka amar qaatay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdiweli Ibraahim Muudey ay galeen xafiiska dhowr maalmood kahor, ayna qaateen qalab u badan computers iyo cajalado ay xog badan ku jirtay.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa intaas ku daray in xogta la qaatay ay ka mid tahay baaritaan la xiriira askarta ay dowladda gaysay dalka Eritrea, iyo keydkii guddiga difaaca ee sideeddii sano ee lasoo dhaafay.Ma cadda sababta loo beegsaday xafiiska guddiga, hase yeeshee waxay sida muuqata u badan tahay mid looga hortagayo baaritaanka la xiriira askarta Soomaaliyeed ee la geeyey Eritrea, oo arrinteeda ay aad uga sii dareyso maalinba maalinta ka dambeysay.Ciidamadan oo dalka ka maqan muddo ka badan laba sano ayaan weli war rasmi ah laga hayn xaaladdooda.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Maxamed Axmed ayaa xalay shaaciyey inuu hogaaminayo gal dacwadeed laga gudbinayo madaxweyne Farmaajo, gal dacwadeedkaas oo lagu baadi-goobayo dhalinyaradii tobabarka uu Farmaajo ugu qaaday Eritrea.

"Waxaa go’aansaday in aan horkaco dacwad ka dhan ah maamulka Farmaajo oo lagu baadi-goobayo caruur muddo 2-Sano ka badan ku maqan Eritrea,” ayuu yiri.

Dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ee uu hogaanka u hayo Farmaajo ayaa gebi ahaanba iska indho saabtay baaqyo kala duwan oo kasoo qaar kamid ah goleyaasha dowladda iyo cabashooyin dhowr ah oo ay jeediyeen waalidiinta dhalinyaradaas.

Arrimahan ayaa kusoo aaday ayada o warbixin ay heshay Caasimada Online oo la filayo inuu dhawaan soo saaro guddiga Xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay lagu dhex xusay in ciidamo Soomaali ah ay kamid ahaayeen ciidamadii ka dagaalamay gobolkaas.

Warbixinta QM ayaa lagu xusay inuu ergeyga gaarka ah ee xuquuqul insaanka helay macluumaad muujinaya in askarta Soomaalida laga soo waday xeryihii ay tababarka ku qaadanayeen oo ku yaalo Eretria, isla markaasna la geeyey goobaha dagaalka ee Tigray-ga.

Warbixinta oo ka kooban illaa 17-bog oo laga soo bandhigay qeybtaan yar ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadaas marka ay ka gudbayeen xuduudda Itoobiya iyo Eretariya ay wehlinayeen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Militariga ee Eretariya.

Marka laga soo tago wararka sheegaya ku lug lahaanshaha ciidamada Eriteriya dagaalka Tigrayga, wakiilka gaarka ah wuxuu sidoo kale helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigrayga, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen soohdinta Ethiopia,” ayaa lagu yiri warbixinta.

"Sidoo kale waxaa ixtiraam mudan in ciidamada Soomaalida ah ay joogeen agagaarka magaalada Aksum,” ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta.

 
 
 

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...