[Al-Shabab] oo boqolaal qoys ka barakicyey guryahooda

0
Thursday June 10, 2021 - 18:14:08 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Al-Shabab] oo boqolaal qoys ka barakicyey guryahooda

    Maamulka degmada Xudur, Maxamed Macalin oo ay wehliyaan hay'adaha samafalka ee ka howl-gala gudaha magaalada ayaa soo kormeeray boqolaal qoys oo dhawaan kasoo barakacay tuulooyin hoos-yimada degmada Xudur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka degmada Xudur, Maxamed Macalin oo ay wehliyaan hay'adaha samafalka ee ka howl-gala gudaha magaalada ayaa soo kormeeray boqolaal qoys oo dhawaan kasoo barakacay tuulooyin hoos-yimada degmada Xudur.

Barakacayaasha oo isugu jira Waayeel iyo qoysas haween u badan oo caruurtooda ay la socdaan ayaa waxa uu maamulku sheegay inay kooxda Al-Shabaab kasoo barakaciyeen, kuwaasi oo xiligan wajahaya xaalad adag oo bini-aadantimo.

Maamulka degmada iyo hay’addaha ayaa kormeerkaas kadib warbaahinta u sheegay inay qoysaskaas wajahayaan biyo la’aan iyo raashiin la’aan, waxayna barakacayaashu isugu jiraan beeralay, xoolo dhaqato iyo dad xirfad muruqmaal ah ku shaqeysanayay.

Dhulka ay xiligan degan yihiin barakacayaash ayaa waxa bixiyay maamulka degmada, ayada uu maamulku dalbaday in kaalmo deg-deg ah lala soo gaaro.

"Majirto wax intaa ka badan oo loo qabtay (deegaan la siiyay) hase yeshee u jeedada kormeerka ayaa ah in xaaladooda dhabta ah la ogaado gar-gaar deg deg ahna lala soo gaaro,” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Xudur, Maxamed Macalin.

Waxaa xiligan magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool ku sugan kumanaan kun oo barakacayaal ah, ayada oo maciishada nololeed ee deegaankaas ay cirka isku shareertay, waxaana laga deyrinaya xaalada bini-aadantinimo ee xeryaha ku yaala degmadaas.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...