[Qaar] ka mid ah waalidiinta caruurtooda la geeyey Eritrea oo shaaciyey xog ay heleen

0
Monday June 14, 2021 - 10:54:02 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Qaar] ka mid ah waalidiinta caruurtooda la geeyey Eritrea oo shaaciyey xog ay heleen

    Qaar ka mid ah waalidiinta ay caruurtooda dowladda Soomaaliya tababarka ciidan ugu qaaday dalka Eritrea ayaa shaaciyey xog ay ka heleen wiilashooda oo ku saabsan xadgudubyo culus oo lagu hayo iyo dagaalka la sheegay in loogu qaaday gobolka Tigray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah waalidiinta ay caruurtooda dowladda Soomaaliya tababarka ciidan ugu qaaday dalka Eritrea ayaa shaaciyey xog ay ka heleen wiilashooda oo ku saabsan xadgudubyo culus oo lagu hayo iyo dagaalka la sheegay in loogu qaaday gobolka Tigray. Waalidiintaas oo khadka taleefanka ugu warramaya idaacadda BBC-da ayaa sheegay in carruurtooda oo ay khadka taleefanka dhowr jeer kula xiriireen aysan u sheegin wax dagaal ah oo ay galeen, iyagoo ku adkaystay in aanay ka bixin xeryaha lagu tababaro halkaas oo ay dhibaatooyin badan kala kulmaan.

Loading...

Si kastaba, waalidiinta ayaa sheegay in wiilashooda ay u sheegeen inay ku caddiban yihiin Eritrea.

Hooyo Foos Xasan oo ka mid ah walaadiinta ay carruurta ka maqan yihiin ayaa sheegtay in wiil uu ka maqan yahay uuna ka tagay bishii Febraayo ee 2020-kii, iyadoo markii ugu horraysayna uu la soo xiriiray bishii Janaayo ee sanadkan markaas oo uu u sheegay inuu Eritrea joogo.

Dhibaato badan inay qabaan ayuu ii sheegay oo la garaacay, oo la tumay, oo la xabbadeeyay, oo caddib intii qof bini’aadam ah la marsiiyo intii ugu badnayd ay haysato, wax ay xal ka gaari karaanna aysan jirin,” ayey tiri hooyo Foos Xasan.

Dhankiisa Saleebaan Cali oo isna BBCda u warramay ayaa sheegay in walaalkii iyo dhowr wiil oo kale oo uu adeer u yahay ay ku dhibaataysan yihiin waddanka Eritrea halkaas oo tababar loo geeyay bilowgii sanadkii hore.

Wiilashan Eritrea loo qaaday baa 10 wiil iiga jirto, mid walaalkey waaye, shanna adeer ayaan u ahay, afarna adeer ayaan u ahay, mar ay ila soo hadleen waxay ii sheegeen in 24-kii saacba afar xabbo oo rooti ah oo qalayl ah in la siinaayo, dhar aysan haysan, bannaan ay seexdaan, maalintiina dabayl iyo kulayl aan la joogi karin, habeenkiina dhaxanta ay daran tahay, aad inay u dhibaataysan yihiin.”

Cunto ma haystaan, hoy ma haystaan, dhar ma haystaan, wax alaale iyo wixii dhibaata ah oo bini’aadam qabsan lahaa meesha waa ku haystaan, naftoodaaba halis ku jirta, xaaladdooda raggaas ma sahlana oo sida ay ii sheegeen aad bay u dhibaataysan yihiin,” ayuu yiri Saleebaan.

Waalidiinta ayaa sheegay in carruurta dhowr jeer oo ay xariir la sameeyeen aanay u sheegin wax dagaal ah oo ay ka qeybqaateen.

Hooyo Foos ayaa sheegtay in wiilkeeda ay waydiisay in dagaal ay ka qeybgaleen wuxuuna ugu jawaabay: "Annaga khaasatan waxaan nahay 900 oo askari oo xearadan ku jirto. Qof nalagama qaadin, xataa maanan maqal meel wax laga qaaday laakiin annaga xerada gudaheeda ayaa nagalu dhibaateeyay,” ayey tiri Hooyo Foos.

Saleebaan Cali ayaa isna intaas oo kale BBC-da u sheegay.

Dowladda fedaraalka ee Soomalaiya ayaa beenisay warar maalmihii dambe la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in ciidamo Somaali ah oo tababar u joogay sida la sheegay dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii dhawaan ak dhacay gobolka Tigrey ee waqooyiga Itobiya.

Waalidiinta ayaa dhanka kale sheegay in carruurtooda ay u sheegeen in bishii September ee sanadkii hore mar ay ka gadoodeen dhibaatada lagu hayo ay isku dhaceen ciidammadii tababaray kaddibna ay gacanta iskula tageen arrintaas oo ay sheegeen inay sababtay in carruurtooda awood loo adeegsado halkaasna ay dhowr ku dhinteen halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...