[Dagaal] khasaare geystay oo ka dhacay deegaanka Biyo cadde ee gobolka Sh/dhexe

0
Thursday June 24, 2021 - 11:25:21 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Dagaal] khasaare geystay oo ka dhacay deegaanka Biyo cadde ee gobolka Sh/dhexe

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo dagaalmayaasha Al-shabaab ku dhexmray deegaanka Biyo cadde ee gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo dagaalmayaasha Al-shabaab ku dhexmray deegaanka Biyo cadde ee gobolka Sh/dhexe.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Shabaab aay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanka Biyo cadde, waxaana ka dhashay dagaalka khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay laba askari tiro kalana waay ku dhaawacmeen, sida dadka deegaanka sheegeen waxaana dagaalka uu socday muddo ku dhaw hal saac kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo AMISOM la sheegay in madaafiic uga qeyb qaadatay dagaalka.
Loading...


Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya waxay sheegeen iney iska difaaceen weerar culus oo kaga yimid dagaalyahanada Al-shabaab intii uu socdayna khasaare xoogan aay gaarsiyeen kooxdii soo weerartay.

Deegaanka Biyo cadde oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Mahadaay waxaa labadii todobaad ee ugu dambeysay ka dhacayay weeraro dagaal toos ah iyo qarax Ismiidaamiin ah.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...