Bankiga IBS Somalia oo %85 Al-qaeda leedahay lacagta lagu furay.

0
Saturday July 17, 2021 - 04:58:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Bankiga IBS Somalia oo %85 Al-qaeda leedahay lacagta lagu furay.

    Waagacusub.com - Saraakiil ka tirsan Amniyaat-ka Al-Shabaab oo badankood ka goostay kooxda argagixisadda ayaa ku xog waramay in lacagta lagu furay International Bank of Somalia IBS uu lahaay Xoghayahii Maaliyadda Argagixisadda Alqaeda Fazul Abdallah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Saraakiil ka tirsan Amniyaat-ka Al-Shabaab oo badankood ka goostay kooxda argagixisadda ayaa ku xog waramay in lacagta lagu furay International Bank of Somalia IBS uu lahaay Xoghayahii Maaliyadda Argagixisadda Alqaeda Fazul Abdallah. Taliyahii hore ee Amniyaat-ka Al-Shabaab Zakariye Hersi oo hadda ka tirsan Hay'adda Sirdoonka Somalia ayaa Sunatimes.com u sheegay in Fazul Abdallah uu xiriir ganacsi oo weyn la lahaay ganacsato ay ka mid yihiin Mohamed Ali Warsame, Bashiir Guushaa iyo Abukar Omar Cadaan.

Mr Zakariye wuxuu tibaaxay in Al-Qaeda ay Somalia u soo diri jirtay Raashinka sida Burka, Bariiska, Sokorta iyo qalabka dhismaha kuwaas oo lagu wareejin jiray ganacsato Somalia kadibna lacagta markeey cadeeyaan lagala wareegi jiray.

"Fazul Abdallah waxaa la dilay isagoo lacag badan ay ka taal Shirkadaha ganacsiga Somalia, waxaan maqlay in Milkiilaha IBS Bank Somalia Mohamed Ali Warsame u hayay lacag dhan 157 Milyan oo dollar taas oo Bankiga uu ku furay markii dambe” ayuu yiri Zakariye Hersi.

Sarkaal ka tirsan Taliyeyaashii Hay’adda NISA ee gobolka Banaadir oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa xaqiijiyay inuu Mohamed Ali Warsame lacag laaluusha oo dhan Laba Milyan oo dollar siiyay Wasiirkii Amniga ee xilligaas Mr Khaliif Ereg.

Khaliif Ereg ayaa xilligaas laba Guri ka iibsaday meel ku dhaw Villa Somalia.

Mr Ereg oo aan la xiriirnay waa ka gaabsaday inuu sheego cadadka lacagtaas laakiin laba ka tirsan raggii ay wada shaqeeynta gaarkaa lahaayeen ayaa ku xog waramay in lacagta Fazul Abdalla ka dhintay dhameeyd 157 Milyan oo dollar.

Mohamed Ali Warsame oo u dhashay beesha Hawiye gaar ahaan qabiilka Sacad oo aan lagu aqoon la shaqeeynta argagixisadda Somalia wuxuu noqday maalqabeen ka dhistay Muqdisho Hotel’s , Apartments iyo ganacsiyo waaweyn laakiin lama oga inuu ka tirsan argagixisadda oo fikrad ahaan raacsan yahay iyo inuu dantiisa ka raacday oo ganacsi kala dhaxeeyay.

Sarkaal ka tirsan Amniyat-ka Al-Shabaab wuxuu rumeeysan yahay inuu Mohamed Ali Warsame ku shaqeeyo lacagtii Fazul Abdallah hasse yeeshee lama helin cadeeymo muujinaya inuu weli xiriir ganacsi la leeyahay Alqaeda.

IBS bank Somalia ayaa todobaadkii hore waxey daah fureen xaflad lagu shaaciyay iney Partner la noqdeen Shirkadda VISA CARD PAYMENT.

Sikastaba ha ahaatee, Argagixisadda Somalia waxey leeyihiin Shirkado ganacsi oo waaweyn sida kuwa guryaha dhisa ee loo yaqaan Real Estate Companiea.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...