![](https://waagacusub.com/uploads/waaga_bnr.jpg)
[Topnews:-] Ciidankii Badbaado Qaran oo Mushaarkii laga jaray beel gaar ah?
Waagacusub.com - Tobaneeyo kamid ah ciidamadii diidanaa muddo korarsiga ee ka dagaalamay aagga Barmuudo iyo KM4 ayey dowladda Farmaajo ka joojisay mushaarkii ay qaadan jireen.
Ciidanka mushaaraadka laga joojiyay waxaa sidoo kale ku jira qaar ka tirsan ilaalada Janaraal Saadaq Joon, kuwa Janaraal Indhacade, ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo ciidan kale, kuwaas oo hore uga tirsanaa Milateriga iyo booliska Soomaaliya.
Saraakiisha Ciidankii diidanaa muddo korarsiga ee ku sugnaa aagga dabka iyo waqooyiga Muqdisho ayaa xaqiijiyay in mushaarkooda qaataan, kuwaas oo beel ahaan u badan Abgaal iyo Murusade.
Ma cadda sababta ay dowladda sida gaarka ah ugu beegsatay ciidanka u badan beesha Habargidir, halka kuwii la midka ahaa ee beelaha kale ay weli qaataan mushaarkoodii.
Waxaa jirta abaabul ay billaabeen siyaasiin ka soo jeeda beesha Habargidir, kuwaas oo warqad cabasho ah u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo kasoo jeeda beesha, balse ma jirto ilaa hadda wax jawaab ah oo laga helay.
Lama oga saameynta ka dhalan karta go’aanka mushaarka looga joojiyay ciidamadaan oo qeyb ka ahaa kuwii la magac baxay Badbaado Qaran.
Qaar kamid saraakiisha mushaarka laga joojiyay ayaa sheegay in uu beegsi gaar ah ku haayo taliyaha Milateriga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage
[Topnews:-] Ciidankii Badbaado Qaran oo Mushaarkii laga jaray beel gaar ah?
Waagacusub.com - Tobaneeyo kamid ah ciidamadii diidanaa muddo korarsiga ee ka dagaalamay aagga Barmuudo iyo KM4 ayey dowladda Farmaajo ka joojisay mushaarkii ay qaadan jireen. Ciidanka mushaaraadka laga joojiyay waxaa sidoo kale ku jira qaar ka tir