[Topnews:-] Tunisia oo mar labaad af Kaligii taliye gashay iyo Macalinkii ay doorteen oo noqday Farmaajaha Somalia ?

0
Wednesday July 28, 2021 - 07:54:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2362
  • (Rating 2.4/5 Stars) Total Votes: 7
  • 7 1
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Tunisia oo mar labaad af Kaligii taliye gashay iyo Macalinkii ay doorteen oo noqday Farmaajaha Somalia ?

    Halhays iyo Halis! Waagacusub.com - Wuxuu ahaa macallin dhiga sharciga; siyaasad kama soo dhex muuqan waqtigaas ka hor; wuxuu inta badan ku celcelin jiray halhaysyo u badan dhaleecaynta nidaamka Tunisia, ballan qaadyo in uu musuqa la dagaali doonno,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halhays iyo Halis! Waagacusub.com - Wuxuu ahaa macallin dhiga sharciga; siyaasad kama soo dhex muuqan waqtigaas ka hor; wuxuu inta badan ku celcelin jiray halhaysyo u badan dhaleecaynta nidaamka Tunisia, ballan qaadyo in uu musuqa la dagaali doonno, dhaqaalahana kobcin doonno. Madaxweyne Kais Saied wuxuu ka soo dhex baxay wareeggii koowaad, wuxuuna wareeggii labaad ku soo baxay tiro ku dhow 73% sanadkii 2019.
Sida laga filo siyaasiyiinta hal-heysyada iyo waxyaabaha sahalka ah ololaha ku gala, halkii uu wax ka qaban lahaa xaaladaha nolosha ee shacabka asagoo wada hadal iyo is qancin u maraya, wuxuu dagaal culus ku qaaday nidaamkii dimuqraadiga ahaa ee asaga fursadda u siiyay inuu madaxweyne ku noqdo doorasho: wuxuu aflagaadeeyay warbaahinta, xisbiyada, aqoonyahanada ka ra’yi duwan. Wuxuu dalbaday in dastuurka wax laga beddelo si loo siiyo awood dheeraad ah, wuxuu la dagaalay baarlamaanka, wuxuu diiday in la unko maxkamaddii dastuuriga ahayd. Wuxuu tan iyo markii la doortay 2 sano ka hor marayaa 3 Ra’iisul Wasaare. Dhaqaalihii waa eber, Covid-19 na fara ba’an ayuu dalka ku hayaa!
Wuxuu isku sifeeyay "badbaadiye qaran”, wuxuuna ku sifeeyay tallaabo walba uu qaado mid ay "shacabku” rabaan. Ugu dambeyn wuxuu shalay shaqo joojin ku sameeyay baarlamaankii la xisaabtami lahaa iyo xukuumaddii, wuxuuna la wareegay awooddooda iyo awoodda xeer ilaalinta.
Shacabka Tunisia waxay halgan 10 sanno ah u soo wadeen in dalka ay ka hirgasho dimuqraadiyad ka saarta faqriga iyo wshaqo la’aanta, waana dalka keliya ee ay ka hirgashay riyadii Gu’ga Carbeed, balse wixii yaraa ay yabyabeen waxaa duullaan ku ah qof jaran jaro ka dhigtay si uu xukunka ku gaaro, kaddibna dhabbe u gaar ah sameysanaya.
Mar dhow ayaan ka soo badbaadnay xaalad tan la mid ah. Hadda mar haddii dalkeena uu u socdo doorasho, arrintaas cashar baa la laga baran karaa!
Yaanan hal-heyso dambe lagu sirmin, dalkana yaan halis la badin! Kais oo shalay cod dimuqraadi ah ku yimid xukunka, wuxuu amaanayaa El Sisi-ga Masar.
Anaguba mar baan Efewerki ku dayanay!

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...