[Topnews:-] Dhalinyaradda Somalida waxey u dhimanayaan la xanuunsan yihiin daroogo halis badan

0
Thursday August 12, 2021 - 22:59:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3592
  • (Rating 2.3/5 Stars) Total Votes: 7
  • 5 2
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Dhalinyaradda Somalida waxey u dhimanayaan la xanuunsan yihiin daroogo halis badan

    Waagacusub.com - Dhalinyaradda Soomaaliyeed waxey u dhimanayaan , la xanuunsanayaan balwado u badan daroogo, sida Xashiish, Koodhiin, Blue kaniin la yiraa, Qamri, Shiishad, Sigaar, Taabuu iyo Gaaska qosolka bahal yiraa oo hadda soo baxay kaas oo qofk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Dhalinyaradda Soomaaliyeed waxey u dhimanayaan , la xanuunsanayaan balwado u badan daroogo, sida Xashiish, Koodhiin, Blue kaniin la yiraa, Qamri, Shiishad, Sigaar, Taabuu iyo Gaaska qosolka bahal yiraa oo hadda soo baxay kaas oo qofka marka uu dhawr jeer cabo waali uu ku ridayo, shaki badan ku abuurayo, lugaha uusan ka socon karin.
Shiishadda Halka mar ee aad cabtid waxey la mid tahay baakad Sigaara adigoo cabay. halista nuucaasa xaafadaha Somalida oo dhan ayey ka shidan tahay oo qiiqa baxaya waa la yaabay.
Shiishadda lagama yaabo in halmar la cabo ee subaxdii sida loo shido ilaa saqdhexe ayey Somalida cabaan taas oo ka dhigan in qofka sambabkiisa uu noqonayo 70jir isagoo ah 20 jir.
Taabuuga waxaa laga qaadaa cudurka kansarka oo dhalinyaradda u dhimanayaan maalinkasta.
Qamriga wuxuu qofka jar jaraa beerka oo muhiim u ah nolosha qofka bini'aadamka.
Daroogooyinkaan halista badan ee dhalinyaradeenii u dhamaanayaan ma jirto cid wacyigelin ka sameeysay.
Madaxweyne ilaa Duq Magaalo, Professer ilaa Sheekha Masjidka.
Iyadoo aysan Caruurteena heysan talaal ku filan haddii kuwa badbaaday ay u dhintaan daroogo , waa halis nagu ridi karta Ciribtir umadeed.
Madaxda Soomaaliyeed, shaqsiyaadka caanka ah ee la maqlo sida Culumadda, aqoonyahanadda, odayaasha dhaqanka, dhaqaatiirta , Fanaaniinta iyo Wariyeyaasha waxaa looga baahan yahay iney sameeyaan wacyigelin joogtaa si dhalinta uga fogaadaan balwadahaan halista badan.
Habiqleyso Group TV



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...