[Akhri Cadeyn] dimbiyada uu Farmaajo ku kacay- Maxkamadda ICC.

0
Thursday September 30, 2021 - 02:24:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 9750
  • (Rating 3.2/5 Stars) Total Votes: 11
  • 6 1
  • Share via Social Media

    [Akhri Cadeyn] dimbiyada uu Farmaajo ku kacay- Maxkamadda ICC.

    Waagacusub.com - Maxkamadda Caalamiga ee dimbiyadda ICC ayaa la hordhigay falal dimbiyeed isugu jira dilal,tacadiyo, musuqmaasuq iyo afduub uu sameeyay Madaxweynahii hore ee Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo. falalkaan waxaa ugu waaweyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Maxkamadda Caalamiga ee dimbiyadda ICC ayaa la hordhigay falal dimbiyeed isugu jira dilal,tacadiyo, musuqmaasuq iyo afduub uu sameeyay Madaxweynahii hore ee Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo. falalkaan waxaa ugu waaweyn.

1- Wuxuu Ethiopia u dhiibay halyeey Soomaaliyeed Cabdikariim Sheekh Muse Qalbidhagax.

2- Wuxuu Ethiopia u saxiixay 1 saac gudahiis afar dekadood , heshiis aan baarlamaanka la horgeyn.

3- Wuxuu weeraray Xarunta Wadajir kadibna wuxuu laayay Saraakiishii ilaalada isagoo kobaha ku Aasay.

4- Wuxuu weerar uu ku qaaday beer ku taal Bariire ku dilay dad shacab ah oo Caruur u badnaa .

5- Wuxuu xilkii sifo sharci daro ah uga qaaday Gudoomiyahii baarlamanka Prof Jawaari.

6- Wuxuu biyaha iyo korontada ka jaray Gudoomiyahii 2aad ee baarlamaanka Mr Mursal kadib markii uu qabtay Mooshin ka dhana Farmaajo.

7- Wuxuu xilkii si aan sharci aheyn uga qaaday Ra’isulwasaarahiisii 1-aad Hassan Ali Kheyre.

8- Wuxuu weeraray guriga Cabdi Qeybdiid iyadoo Ciidan hubeeysan Musqusha ku jibiyeen Xaaska Jeneralka.

9- Wuxuu weeraray Beerta Xasan Huutaan, wuxuu laayay shaqaalahii qaar ka mida , hantidii waa gubay kuwii kalena waa xiray.

10- Wuxuu baarlamaanka ku qasbay in si aan sharci aheyn Xasaanada looga qaado Xildhibaano mucaarada laakiin waa ku guuldareeystay.

11-  Wuxuu cunaqabateyn saaray shacabka iyo maamulka Jubbaland si aan sharci aheyn isagoo xayiray duulimaadyadii diyaaradaha,

12- Wuxuu si sharci daro ah u hor istaagay Madaxweyneyaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Hassan Sheikh Mohamud oo Kismaayo u socday.

13- Wuxuu si ka baxsan sharciga iyo bini’aadamnimada u amray diyaarad waday Madaxweyneyaashii hore Xasan Sheikh Mohamud iyo Sheekh Shariif ineysan ka degi karin Beledweyne.

14- Wuxuu shacab ku laayay Baydhabo kadibna wuxuu afduubtay Mukhtar Roobow Cali oo weli aan la ogeyn nolol iyo geeri maadama aan Maxkamad la horgeyn. wuxuuna Madaxweyne qasaba ka dhigay Cabdi Casiis Lafta gareen.

15- Wuxuu shacab iyo askartii Ahlusunah ku dhameeyay Dhuusamareeb isagoo kursiga qasab ku saaray Axmed Qoor Qoor oo diiday inuu galo doorasho xora.

16- Wuxuu xilkii si aan sharci aheyn uga tuuray Madaxweyneyaashii  Hirshabelle Cali Cabdullahi Cosoble iyo Waare Jiis ,wuxuuna si aan sharci aheyn oo qasaba Madaxweynaha Hirshabelle uga dhigay Cali Guudlawe.

17- Wuxuu qarax ku laayay masuuliyiin uu ka mid ahaay duqii Muqdisho Cabdiraxman Yariisow, wuxuuna diiday in si madaxbanaan baaris loogu sameeyo.

18-  Wuxuu Hotel Maida ku weeraray Shariif Sheekh Axmed iyo Hassan Sheikh Mohamud oo ah  Madaxweyneyaashii xilka uga horeeyay, kii ka dhigay Ra’isulwasaare iyo kii xilka ku wareejiyay laakiin waa ka badbaadeen shirqoolkii uu rabay inuu ku dilo.

19- Wuxuu weeraray Ra’isulwasaarahiisii hore Hassan Ali Kheyre iyo Siyaasiyiin caana oo la banaanbaxeeysay sida Cabdiraxman Cabdishakur  laakiin waa ka badbaadeen shirqookii uu qorsheeyay inuu ku dilo.

20- Wuxuu ku dhawaaqay inuu mudo xileedkiisii ku darsaday laba sano oo dheeriya taas oo dhalisay in Muqdisho lagu dagaalamo.

21- Wuxuu joojiyay Khaatkii ganacsato u dhalatay beesha Hawiye kala imaan jirtay Kenya, wuxuuna qandaraaskii Khaatka u xiray walaalkiis Hassan Farmaajo oo Ethiopia ka keensada.

 22- Wuxuu dilay Sarkaal ka tirsanaay Ciidankii Badbaado Qaran oo la yiraa Deeqow kaas oo meydkiisa laga dhex helay qashin.

23- Wuxuu dalacsiiyay Cabdirashiid Janan oo ku eedeysnaa dimbiyo dagaal, wuxuuna dimbiile ka dhigay Jeneral Saadaq John.

24- Wuxuu afduubtay Sarkaalad sare NISA Ikran Tahliil kadibna wuxuu is hortaagay in baaris lagu sameeyo si cadaalada loo horgeeyo kuwii ka dambeeyay falkaas.

25- Farmaajo oo xil sharciyeedkii uu ka dhamaaday 8 February 2021 wuxuu awoodii doorashadda iyo Amniga ku wareejiyay laakiin Ra’isulwasaare Rooble laakiin kadib markii ay soo baxday kiiska afduubka Ikran wuxuu Farmaajo dagaal la galay Ra’isulwasaarahii uu baarlamaanka hortiisa kula wareejiyay shaqadii dowladda maadama xilkiisa dhamaaday.

Falalka nuucaana ee Maxkamad la horgeeyay waa dimbi ku filan in lagu Maxkamadeeyo si loogu xakumo Xabsi daa’in ama daldalaad.

By Dahir Alasow

[email protected]


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...