Wiil uu dhalay Xarbi Cali Kulane oo Tooreey ku dilay Xildhibaan dalka UK

0
Monday October 18, 2021 - 05:20:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4541
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Wiil uu dhalay Xarbi Cali Kulane oo Tooreey ku dilay Xildhibaan dalka UK

    Waagacusub.com - Labadan wakaaladood ee caalamiga ah oo soo xiganaya warbaahinta dalka Britian ayaa sheegay, in Cali Xarbi Cali oo ah ninka looga shakisanyahay inuu Jimcihi magaalada London ku dilay David Amess oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Labadan wakaaladood ee caalamiga ah oo soo xiganaya warbaahinta dalka Britian ayaa sheegay, in Cali Xarbi Cali oo ah ninka looga shakisanyahay inuu Jimcihi magaalada London ku dilay David Amess oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Britain uu dhalay la talihii ra'isulwasaarahi hore ee Soomaaliya.
Labada wakaaladood waxay sheegeen in wiilka dilka looga shakisanyahay, uu dhalay Harbi Ali Kullane, oo horay u soo noqday la taliyaha dhinaca warbaahinta ee ra’isulwasaarihi hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Qalabka Warbaahinta Britain iyo ilo wareedyo u dhaw hey’adaha amaniga ee kiiskaan baaraya ayaa sheegay, in Cali Xarbi Cali ay xireen booliska Britain kuwaasoo xarigiisa u adeegsaday xeerarka ka dhanka ah argagixisada.

Cali ayaa ah qofka kaliya ee u xiran dilka xildhibaan Amess oo 69 jir ahaa, kaasoo Jimcihii lagu dilay toorray xilli uu bariga magaalada London kula hadlayay dadka isaga soo doortay.

Loading...

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reueters, Harbi Ali Kullane, wuxuu u xaqiijiyay wargeyska Sunday Times ee dalka Ingiriiska, in wiilkiisa Cali Xarbi loo xiray arrimo la xiriira dil.

E-mail uu ugu soo jawaabay su’aal ay wakaaladda wararka Reuters ka weydisay arrimahaan, ayuuXarbi Cali Kullane ugu jawaabay in xilligan gaarka ah ay ku jiraan xaalad laga naxo oo aysan horay arag, sidaasi daraadeedna uusan diyaar u aheyn inuu ka hadlo sababo la xiriira baaritaanka oo billow ah.

Dhamaan Soomaalida ku nool Britain ayaa ka tacsiyeeyay dilka loo geystay mudanaha.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...