Saddax sababood awgood waa muhiim in Sharif Sheikh Axmad loo doorto?

0
Wednesday October 20, 2021 - 18:08:51 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 2604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddax sababood awgood waa muhiim in Sharif Sheikh Axmad loo doorto?

    Waagacusub.com - Saddax sababood awgood Waqtigaan waa muhiim in xilka Madaxweynaha dalka loo doorto Mudane Sharif Sheikh Ahmed siyuu u daboolo baahiyahooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Saddax sababood awgood Waqtigaan waa muhiim in xilka Madaxweynaha dalka loo doorto Mudane Sharif Sheikh Ahmed siyuu u daboolo baahiyahooda.

1-: Ahmiyadda Koowaad waa sugida iyo Ilaalinta Amniga dalka oo faraha ka baxay sanadahii danbe'Xeeldheere-yaasha amni ayaa qaba in Madaxweynahii hore Sharif Sheikh Ahmed muddo kooban ku soo celin karo Amniga dalka taaso ah muhiimada koowaad ee shacabka, iyo Dowladaha taagera Somalia oo quus jooga taagan.

2-: Tan labaad waa dhaqaalaha. waxaa dalka ka jira dhaqaalo daro baahsan ,waxaa gabi ahaanba istaagay dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ee sida xowliga ugu socday dalka, siyaabo kala duwan dartood sida wadooyinka Magaalada Muqdisho oo xiran kooxaha Argagaxisada oo canshuur lamida mida Dowladda ka qaada ganacsatada. Hay'adahii taakuleyn jiray Bulshadda oo la hor istaagay halka qaar la musuq maasuqay. Madaxweynahii hore ee dalkaSharif Sheikh Ahmed waxaa lagu Amaana in uu yahay Qof ka warqaba baahiyaha shacabka kuwooda taagta daran, taaso keenaysa inaan lahor istaagin ama la musuqin kaalmaada danyarta loogu tala galay . Sidoo kale ganacsatada dhiig miiradka lala xisaabtamo oo qiimaha maciishada loo turo shacabka danyartaa oo wajahaya daruuf adag.

Loading...

3-:Mida saddaxad Sharif Sheikh Ahmed waa Hogaamiye cafis badan oo horey uga sii gudba,wixii laga soo tagay kolhore, waxa uu ka shaqeeya dib-uheshiisiinta. Taasna mid si wayn baahi loogu qabo waqtigaynu joogno dalka si xal waara iyo xasilooni iyo aaminaad Bulsho loo helo.

Madaxweynahii hore waxaa jira boqolaal qorsho oo uu ku wanaagsan yahay laguna amaanay, balse waxaan qormadan kooban ku bidhaaminayay' saddax qorsho oo uu shacabka baahi wayn u qabo ,Qofka ku wanaagsan ee fulin karana  uu yahay Madaxweynahi hore loona baahan yahay in iyadoo loo turayo shacabka loogu codeeyo.

Waxaa Qoray Nuur Ismaaciil Sheekh
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...