[Topnews:-] Sababta Farmaajo u eryay Simon Mulongo - Ku xigeenkii Midowga Afrika.

0
Thursday November 04, 2021 - 21:52:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Sababta Farmaajo u eryay Simon Mulongo - Ku xigeenkii Midowga Afrika.

    Waagacusub.com - Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira oo ka mida garabyadda siyaasadeed ee Mohamed Abdullahi Farmaajo kala shaqeeynaya sidii dib loogu dooran lahaay Madaxweynaha Somalia ayaa ka dambeeya qorshah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira oo ka mida garabyadda siyaasadeed ee Mohamed Abdullahi Farmaajo kala shaqeeynaya sidii dib loogu dooran lahaay Madaxweynaha Somalia ayaa ka dambeeya qorshaha dalka Somalia looga eryay Ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika ee Somalia kadib markii uu ku adkeeystay in dalka Somalia ay ka dhacdo doorasho xora oo loo dhan yahay. Amb Simon Mulongo wuxuu diiday in Ciidanka Amisom si qaldan loo adeegsado oo ay ku milmaan khilaafka u dhaxeeya garabyadda Siyaasadda Somalia ee u tartamaya kursiga Madaxweynaha iyo aqaladda baarlamaanka Somalia.

Amb Mulongo ayaa qaadacay hanaankii lagu doortay Ra’isulwasaare ku xigeenka Mahdi Guled, wuxuuna beesha Caalamka u gudbiyay dacwado badan.

Xilligii khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayuu Amb Mulongo diiday inuu la safto Farmaajo sida Ambassador Madeira.

Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa ku guuldareeystay inuu lacag musuqmaasuqa siiyo ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika Amb Simon Mulongo. wuxuu ku baayacay lacag dhan laba Milyan oo dollar laakiin waa iska diiday.

Amb Madeira ayaa Farmaajo kula taliyay inuu dalka Somalia ka eryo Amb Mulongo oo ka mida Diplomaasiyiinta ugu waaweyn dalka Uganda.

Inkastoo ay la yaab ku noqotay diblomaasiyiin badan sababta uu Ra’isulwasaare Rooble ku aqbalay in Diplomaasigii difaacayay siyaasadiisa ku taagan cadaaladda dalka Somalia laga eryo haddana tilaabadda uu qaaday Farmaajo waxey meel ku dhac iyo xumaan qaawan ku tahay Dowladda Uganda oo Ciidankooda mudo dheer ay kursiga ku difaacayeen.

Waa in Midowga Musharaxiinta, iyo Ra’isulwasare Rooble qaadaan  tilaabo degdega , oo ka dhana go’aanka yy Farmaajo ku eray xigeenka Wakiilka midowga Africa , haddii kale go’aanka Farmajo wuxuu dalka iyo dowladda Somalia u horseedi doonaa?

1- Dowladda Uganda iney xiriirka u jarto Maamulka Farmaajo.

2- In doorashadda uu boobo Farmaajo oo saami qeybsigana ku tagrifalo.

3- In dalka Somalia galo dagaalo sokeeye ama argagixisadda dib u qabsato.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...