Madaxweyne Shariif ma mudan yahay Sifooyinkaan uu leeyahay dartood in loo xusho?

0
Saturday November 06, 2021 - 12:53:44 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 2375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Shariif ma mudan yahay Sifooyinkaan uu leeyahay dartood in loo xusho?

    Waagacusub.com - Madaxweynahii hore ee Dalka Mudane Sharif Sheikh Ahmed ,Waxaa uu leeyahay' Sifooyin badan oo wanaagsan kuwaa oo yar tahay Hoggamiye Soomaaliya, oo leh astaamaha, iyadoo ay mudan tahay in lagu xusho doorto. Maadama uu Musharax Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Madaxweynahii hore ee Dalka Mudane Sharif Sheikh Ahmed ,Waxaa uu leeyahay' Sifooyin badan oo wanaagsan kuwaa oo yar tahay Hoggamiye Soomaaliya, oo leh astaamaha, iyadoo ay mudan tahay in lagu xusho doorto. Maadama uu Musharax Madaxweyne yahay. Horayna loo soo tijaabiyay, wanaagiisa looso arkay qof walbana maanta uu ka markaati kacayo.

Maanta waxaan qalinka u qaatay inyar oo kooban oo kamid ah Astaamaha wanaagsan ee Shariif, Sheikh Axmad. Mida koowaad waa Balamada oo uu aad u ilaaliyo, oofiyo taasna waa yar tahay qof Siyaasada ku jiro oo balamadda sidaa ugu wanaagsan .ilaalinta amaanada shacabka iyo Cadaalada.

Labo waa Hogaamiye Diin naxariis leh, oo uu damiirkiisu nool yahay. Ma oggola shacabka oo dhibtoonaya in uu iska hurdo. Waxa uu  ahmiyad wayn siiya, u kuur galida" baahiyahooda, sida Madaxda qaar ma oggola hadal lataliye u keenay' in uu ku seexdo.  Muhiimadiisa, waa dareenka shacabka oo uu darso siyuu wax, ugu qabto xaaladaha markaasi mudnaanta ugu horeeyso leh si deg dega in wax loogu qabto.

Loading...

Seddax Madaxweyne Shariif Sheikh Axmad Waa qof xaaladda uu hada dalka ku jiro  kasaari,  kara una min guuri kara xaalad kaloo Hurumar muuqataa .Waa qof wax cusub soo kordhinkaraa, oo dalka iyo dadkuba wax tar wayn u leh. Geesi aan baqin oo khatar kasta u bareeri kara oo Bulshadda dan ugu jirto.

Sifooyinka wanaagsan ee Madaxweynahii hore ee dalka Mudane Sharif, way badan yahiin balse, waa in yar oo an ugu talo galnay inaan shacabka ugu bidhaamino astaamahiisa.

BY NUR ISMAIL SHEIKH
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...