Topnews:- Qoor Qoor oo Musharaxiintii Hawiye dhabarka jibiyay si Farmaajo u guuleeysto ?

0
Monday November 15, 2021 - 01:20:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6104
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Topnews:- Qoor Qoor oo Musharaxiintii Hawiye dhabarka jibiyay si Farmaajo u guuleeysto ?

    Waagacusub.com - Lacagtii lagu soo saaray Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Xareed wuxuu Qoor Qoor ka qaaday Farmaajo, lacagtii laaluushka loo siiyay Raggii Reer Jalaf ee Qeybdiid kursiga ku heystayna waxaa laga qaaday Farmaajo. Qoor Qoor wuxuu Farmaajo kula

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Lacagtii lagu soo saaray Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Xareed wuxuu Qoor Qoor ka qaaday Farmaajo, lacagtii laaluushka loo siiyay Raggii Reer Jalaf ee Qeybdiid kursiga ku heystayna waxaa laga qaaday Farmaajo. Qoor Qoor wuxuu Farmaajo kula heshiiyay inuu u soo saaro Liis Xildhibaano uu soo qortay kuwaas oo ay ka mid yihiin Yaasiin Fareey iyo Kulane Jiis Mareexaan. Kursiga Macalin Dhiblaawe wuxuu siinayaa Yaasiin Fareey halka kursiga Reer Diini uu siiyay Kulane Jiis, Kursiga reer Siyaad Xuseen wuxuu ku qortay Cabdishakuur Cali Mire, halka kursiga Sheekhaal uu ku qortay Adan Qoryooley. Kursigii beesha Cabsiiye ee Ceyr Habargidir wuxuu Farmaajo ku qoray Xaaska ama Naagta uu qabo Saciid Siyad Shirwac oo horey loogu dhaqay kursigii Senator-ka beesha Saleebaan.
Musharaxiintii Hawiye sida Cabdiraxman Cabdishakuur, Cabdikariim Guled, Cabdinasir Cabdulle , Xasan Cali Kheyre  iyo Xasan Sheekh Maxamud waxaa u dhameeyay Qoor Qoor , sida muuqatana goor uu iibsaday kuraasteey ku tashanayeen ayuu Waaga u baryay.
Qoor Qoor wuxuu horey lugaha uga dhegay Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble, beesha Sacad Habargidir oo uu kursiga xoog uga ritay wuxuu dul geeyay Al-Shabaab oo Wisil dul degan, Ceyr wuxuu ku qabsaday Ciidankii Farmaajo ee Gorgor iyo Haram Cad. Saraakiishoodiina waa laayay.
Saraakiishii haldoorka Sacad, Saruur, Saleebaan iyo Ceyr ee uu laayay waxaa ka mida Marsho Mire, Qooje Dagaari, Qooje Yare, Feeyfle, Dahir Shidane dhamaantood wuxuu ku dilay Shirqool.
Raggii raadinaayay Senators-ka ee doonayay iney dhisaan Cabdikariim Guled iyo Cabdiraxman Cabdishakuur waa qiyaanay oo tartankii waa u diiday sida Cabdiweli Garyare, Kamal Gutale, Abtidoon Yare, Kudin Xiimaa.
Liiban Shuluq oo ka mida gudigga doorashadda , lana og yahay inuu dhisaayay Cabdikariim Guled wuxuu ku qoray Baydhabo si uusan saameeyn ugu yeelan doorashadda Galmudug.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...