[Topnews] Gudoomiyaha doorashada Galmudug oo heshiis halisa la galay Fahad Yaasiin iyo Qoor Qoor.

0
Monday November 22, 2021 - 01:26:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4932
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Gudoomiyaha doorashada Galmudug oo heshiis halisa la galay Fahad Yaasiin iyo Qoor Qoor.

    Waagacusub.com - Gudoomiyaha gudigga doorashadda Galmudug Maxamed Dahir Guled ayaa heshiis hoose la galay Fahad Yaasiin iyo Axmed Qoor Qoor. Maxamed Dahir ayaa xulufadda Farmaajo kula heshiiyay inuu inta badan Xildhibaanadda Galmudug u boobo marka l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Gudoomiyaha gudigga doorashadda Galmudug Maxamed Dahir Guled ayaa heshiis hoose la galay Fahad Yaasiin iyo Axmed Qoor Qoor. Maxamed Dahir ayaa xulufadda Farmaajo kula heshiiyay inuu inta badan Xildhibaanadda Galmudug u boobo marka laga reebo Kuraasta beelaha Ayaanle Ceyr, Habar eji, Cabdalla Sacad iyo Wuqujire. Maxamed Dahir Guled waxaa lagula heshiiyay in Xildhibaankasta oo la boobo laga siiyo lacag dhan 50.000$ konton kun oo dollar taas oo ah Laaluush. Shaqooyinka laga rabo Maxamed waxaa ugu weyn inuu Shahaadada u diido Musharaxiinta ay diidan yihiin Qoor Qoor iyo Fahad Yaasiin.

Gudoomiye Maxamed Dahir ayaa Shahaadada u diiday Musharaxa la tartamaya Mahad Cabdalla Cawad oo kursigiisii Puntland u soo wareegsaday Galmudug.

Doorashadda Galmudug waxaa faragelin qaawan ku haya Taliyaha NISA ee Galmudug Macalin Mahdi, Taliyaha C.I.D Maslax Cali Xuseen iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Galmudug Khaliif Cabdulle Sudi.

Saraakiishaan ayaa Fahad Yaasiin iyo Qoor Qoor kula heshiiyay iney warqada shahaadada u diidaan qofkasta oo aysan rabin si looga reebo tartanka.

Qoor Qoor wuxuu go’aansaday inuu Farmaajo u boobo kuraasta Galmudug badankood sida kuraasta Mareexaan, Sheekhaal,Waceysle, Duduble, Saruur, Saleebaan, Dir, waxaa kale oo ay dhacayaan kursiga beesha Cabsiiye Ceyr iyo Kursiga beesha Odoow Sacad.

Sida muuqata Ra’isulwasare Rooble wuxuu toos ula saftay Farmaajo kadib markii uu gacmaha ka laabtay kiiskii Sarkaalad Ikran Tahliil kadibna uu Wasiirka Arrimaha dibadda u magacaabay Cabdi Saciid oo ah Jaajuus u shaqeeya Fahad Yaasiin.

Sikastaba ha ahaatee, Somalia uma muuqato iney ka dhici doonto doorasho xora, waxaana la hubaa inuu kuraasta boobayo Farmaajo si uu afar sano oo kale isu caleema saaro.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...