[Topnews:-] Ceebta Habargidir iyo Dowladda ka soo gaari doonta kursiga Waceysle Abgaal ?

0
Sunday November 28, 2021 - 23:35:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6399
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 1
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Ceebta Habargidir iyo Dowladda ka soo gaari doonta kursiga Waceysle Abgaal ?

    Waagacusub.com - Warbixintaan waxaan ku eegayaa ceebta iyo colaadda ka dhalan doonta kursiga beesha Marooyin Waceysle ee lagu boobay Magaalo Madaxda Galmudug oo ah Magaalo Habargidir leedahay. Beesha Waceysle oo degta degaanka labaad ee ugu weyn Gal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Warbixintaan waxaan ku eegayaa ceebta iyo colaadda ka dhalan doonta kursiga beesha Marooyin Waceysle ee lagu boobay Magaalo Madaxda Galmudug oo ah Magaalo Habargidir leedahay. Beesha Waceysle oo degta degaanka labaad ee ugu weyn Galmudug beelaha dega waxaa lagu xaqiray Saami qeybsigii Galmudug iyadoo la siiyay kuraas aan u qalmin iyo xilalkii sare oo laga qadiyay.

Beesha Waceysle oo ah beesha ugu dhaqaalaha badan beelaha Abgaal Cismaan waxey go’aansadeen:-

1- In naf iyo maal loo huro sidii kursiga Xildhibaanka Macalin Dhiblawe lagu difaaci lahaay.

2- Iney gogol u dhigaan Abgaal Cismaan una sheegaan in Magaalo Habargidir loogu xoog sheegtay sidaas darteedna ay Galmudug ka baxeen, doorashadana ku qabsan doonaan degaanadooda.

3- In labada kursi ee dhiman aysan tageeyn Dhuusamareeb sidaas darteedna looga baahan yahay Abgaal Cismaan iney Waceysle ku garab istaagaan sidii loo ilaalin lahaay sharafka beesha taariikhda weyn leh.

4- In loo diyaar garoobo sidii looga hortegi lahaay doorasho booba inuu Farmaajo ku qabsado Muqdisho.

5- In gogol gardhigasho ah loo dhigo Habargidir si ay Xaal iyo raaligelin buuxda uga bixiyaan ilhaanadii Waceysle loogu geystay Dhuusamareeb oo ah Magaalo Habargidir, welibana nin magaca Habargidir wato kula kacay..

6- In Muqdisho laga abaabulo Ciidanka badbaado Qaran si looga jawaabo yasmada ay Fahad Yaasiin iyo Farmaajo kula kaceen beesha Waceeysle iyo guud ahaan Hawiye,

Habargidir maxeey uga jawaabayaan ceebta heerkaan gaarsiisan ? maxaase loo waayay Waxgaradkii Habargidir iney  cambaareeyaan dhaqankaan foosha xun ee lagu kala qeybiyay Galmudug , looguna gefay Beesha Abgaal gaar ahaan Waceysle.

Sikastaba ha ahaatee, Habargidir waxey ka aamusan tahay qalad la hubo inuu sababi karo Colaad Habargidir iyo Abgaal, sidoo kale Ra’isulwasaare Rooble waxaa looga baahan yahay inuu si cad u cadeeyo moowqifkiisa , iskana diido boobka  Xildhibaanada gollaha shacabka ee ujeedkiisu yahay in sumcadda looga dilo.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...