Taariikhda Dimoqoraadiyada Somalia iyo Madaxweyneyaashii Hawiye iyo Daarood ee Xukunka soo maray. kaligii talis kuwee ahaay ?

0
Thursday December 09, 2021 - 22:17:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Taariikhda Dimoqoraadiyada Somalia iyo Madaxweyneyaashii Hawiye iyo Daarood ee Xukunka soo maray. kaligii talis kuwee ahaay ?

    1- Ra'isulwasaarahii ugu horeeyay ee Somalia waxaa noqday Abdullahi Isse Mohamud oo u dhashay Hawiye, AUN . wuxuu si dimoqoraadiya u wareejiyay xilka kadib markii loo sheegay inuusan gaarin Da'da sharuuda qofka u tartami kara Madaxweynenima

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Ra'isulwasaarahii ugu horeeyay ee Somalia waxaa noqday Abdullahi Isse Mohamud oo u dhashay Hawiye, AUN . wuxuu si dimoqoraadiya u wareejiyay xilka kadib markii loo sheegay inuusan gaarin Da'da sharuuda qofka u tartami kara Madaxweynenimada Somalia. Abdullahi Isse waa iskaga tegay xilkii. si dimoqoraadiya. 2- Adan Abdulle Osman oo u dhashay beesha Hawiye ayaa noqday Madaxweynahii ugu horeeyay ee Somalia , wuxuuna aqbalay doorasho looga adkaaday.

3- Abdirashid Ali Sharmarke oo u dhashay beesha Daarood ayaa noqday Madaxweynaha Somalia laakiin waxaa dilay Saraakiishii beeshiisa oo rabay iney xukunka xoog Ciidan ku qabsadaan.

4- Mohamed Siyad Barre oo u dhashay beesha Daarood ayaa xukunkii Somalia xoog ku qabsaday, wuxuu ku dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha Somalia laakiin 21 sano wuxuu diiday inuu dalka Somalia doorasho ka qabto.

Siyad Barre oo Ciidankii Qaranka u adeegsaday gumaadka beelahii Soomaaliyeed kadibna laayay Saraakiishii iyo Siyaasiyiintii ka soo horjeeday badankood waxaa ugu dambeeyn xukunkii looga tuuray qori Caaradiis ,waxaana xaduuda Kenya ka tilaabiyay Ciidankii Jabhadda USC oo baacsaday.

5- Cabdiqasim Salad Xasan oo u dhashay Hawiye ayaa noqday Madaxweynaha Somalia laakiin isagoon waqtigiisii dhameeysan ayaa doorasho lagu dulqabtay Eldoret kadibna si dimoqoraadiya ayuu uga qeybgalay oo wuxuu tegay Hoolkii doorashadda Mbagathi.

Cabdiqasim Salad oo u dhashay Muqdisho markii xukunkiisa ay ka hor yimaadeen dad ku qabiila hal qof ma dilin, si qaldana awoodiisa uma adeegsan.

6- Abdullahi Yusuf Axmed oo u dhashay beesha Daarood ayaa noqday Madaxweynaha Somalia kadib markii lagu doortay Mbagathi laakiin wuxuu Caasimadii dalka Somalia ee Muqdisho geeyay Ciidanka Melleteriga Ethiopia , isagoo ku xasuuqay boqolaal kun oo qof una dhashay Hawiye, sidoo kale wuxuu barakiciyay shacabkii, wuxuuna burburiyay hantidooda.

Abdullahi Yusuf oo diiday wada hadal inuu la galo garabkii hubeeysnaa ee ka soo horjeeday waxaa lagu qasbay inuu dalka Somalia ka cararo kadibna qaxooti ku noqdo dalka Yemen oo uu ku dhintay. sidoo kalena Ciidankii Ethiopia waa lagu jibiyay dagaalkii Muqdisho,waana iskaga baxeen dalka Somalia.

7- Shariif Sheekh Ahmed oo u dhashay beesha Hawiye ayaa noqday Madaxweynaha Somalia kadib markii lagu doortay Jibouti , wuxuuna dalka u horseeday Nabad isagoo gaarsiiyay in doorasho xora lagu qabto Muqdisho . Shariif waa looga guuleeystay doorashadii kadibna si dimoqoraadiya ayuu xilka u wareejiyay.

8- Hassan Sheekh Mohamud oo u dhashay Hawiye ayaa noqday Madaxweynaha Somalia kadib markii uu ka guuleeystay Shariif Sheekh Ahmed iyo Musharaxiintii la tartamaaye. Mr Hassan wuxuu doorasho madaxbanaan ku qabtay Muqdisho, wuxuuna xilkii ku wareejiyay si madaxbanaan oo dimoqoraadiya.

9- Mohamed Abdullahi Farmaajo oo u dhashay beesha Daarood ayaa noqday Madaxweynaha Somalia kadib markii uu doorashadda uga guuleeystay Hassan Sheekh Mohamud iyo Musharaxiin kale laakiin nasiibdaro wuxuu Muqdisho iyo goboladda dalka oo dhan ka geystay gumaad , wuxuu isku diray beelahii, wuxuu si qaldan u adeegsaday Ciidankii Qaranka, wuxuu diiday in dalka doorasho laga qabto, waxaa dagaal dhacay kadib lagu qasbay inuu ka laabto waqti kororsi laba sano sharci daro uu damcay inuu xoog ku qaato.

Farmaajo oo u dhashay beesha Daarood  wuxuu diiday inuu ka baxo Villa Somalia, wuxuuna xoog ku fadhiyaa kursiga .

Doorashadii Somalia ee lagu yaqiin dimoqoraadiyada ayuu wiiqay, wuxuuna damaciisu gaaray inuu boobo kuraastii beelaha Soomaaliyeed. damaciisu wuxuu gaaray inuu tartanka ka hor istaago Prof Jawaari, Jeneral Cabdiraxman Tuuryare iyo Xuseen Carab Ciise.

Su’aashu waxey tahay maxeey siyaasiyiinta Daarood marka ay xilka qabtaan u diidaan iney galaan doorasho xora ? maxey u jecel yihiin iney shacabka gumaadaan, qabiiladda isku diraan, shisheeyaha u shaqeeyaan?

Hogaamiyeyaasha Daarood maxey ku jecel yihiin dhaqanka kaligii taliska ?



By Dahir Alasow

[email protected]



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...