[Topnews:-] Fahad iyo Farmaajo oo Qoor Qoor kula heshiiyay qorshe halisa oo lagu qabsanaa degaanada Sacad, Ceyr iyo Qubeys ?

0
Sunday December 12, 2021 - 19:56:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5061
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Fahad iyo Farmaajo oo Qoor Qoor kula heshiiyay qorshe halisa oo lagu qabsanaa degaanada Sacad, Ceyr iyo Qubeys ?

    Waagacusub.com - Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Villa Somalia, Maamulka Galmudug iyo dalalka Reer Galbeedka ayaa xaqiijiyay in si rasmiya loo bilaabay hoowlgalo bartilmaameedkoodu yahay in la wiiqo awoodda beelaha Ceyr, Sacad Habargidir iyo Qubeys Dir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Villa Somalia, Maamulka Galmudug iyo dalalka Reer Galbeedka ayaa xaqiijiyay in si rasmiya loo bilaabay hoowlgalo bartilmaameedkoodu yahay in la wiiqo awoodda beelaha Ceyr, Sacad Habargidir iyo Qubeys Dir. Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa ka dhaadhiciyay Axmed Qoor Qoor oo sheegta Madaxweynaha Galmudug inuusan sii ahaan karin Madaxweyne haddii uusan aqbalin.

Qorshaha cusub wuxuu dhigayaa in degaanada Qubeys laga hirgeliyo maamul hoos taga Al-Shabaab, in beelaha Sacad iyo Ceyr lagu furo dagaal jiho badan sida :-

Beelaha Mareexaan Iyo Saleebaan ayaa la qorsheeyay iney Ceyr ka weeraraan dhinaca Balanbale iyo Qalanqale , halka Al-Shabaab la qorsheeyay iney qaadaan weeraro ku dhifo oo ka dhaqaaq ah, si loo qalqal geliyo. iyadoo berri la qorsheeyay in Matabaan ay qabsadaan Al-Shabaab si culeyska saaran Balanbale looga qaado.

Beelaha Wagardhac Mareexaan, iyo Majeerteen , Leelkase Maleeshiyaad u dhashay ayaa loo diyaariyay iney beelaha Sacad dagaalo ku furaan dhinaca Galkacyo, Gelinsoor iyo Saaxo , sidoo kalena Al-Shabaab ayaa loo qorsheeyay iney weeraro ku qaadaan dhinaca Wisil , si loo kala jaro wadada isku xirta Galkacyo iyo Hobyo.

Farmaajo iyo Fahad oo la rumeeysan yahay iney qorshahaan kala shaqeeynayaan Sirdoonka Qatar iyo Ethiopia waxey rumeeysan yihiin iney Al-Shabaab burburi karaan hubka iyo Ciidanka beelaha Sacad iyo Ceyr kadibna taasi ay u sahli doonto iney si dhib yar ku qabsadan Puntland.

Fahad iyo Farmaajo waxey Puntland ka abaabuleen dagaal , iyagoo adeegsaday Saraakiisha Ciidanka PSF ee madaxda u yahay wiil uu dhalay Osman Diyaano.

Al-Shabaab ayaa horey u burburiyay hubkii beesha Qubeys ee Dirta, taasi waxey sababtay iney Al-Shabaab Bacaadweyn ka dhisaan maamul hoostaga Walaayadda Mudug.

Beelaha Mareexaan ee degaanka Balanbale ayaa weerar ku qaaday degaanada beesha Ceyr , iyadoo uu dhacay dagaal lagu riiqmay.

Maleeshiyaad u dhashay beesha Saleebaan Habargidir ayaa dul degay degaanka Qalaanqale iyo Xananbuure  , iyadoo ujeedku yahay in culeys la saaro beesha Ceyr oo furamo badan oo dagaal ku furan yihiin sida dhinaca Al-Shabaab iyo dhinaca Argagixisadda Al-Shabaab.

Beesha Saleebaan Habargidir ee uu ka dhashay Qoor Qoor ayaa argagixisadda Al-Shabaab heshiis kula jirta , taasi waxey sababtay iney diideen dagaaladii la rabay in goboladda Galgaduud iyo Mudug looga xoreeyo Al-Shabaab.

Axmed Qoor Qoor ayaa Galmudug xoog ku qabsaday sanad ka hor xilli aysan Al-Shabaab awoodin iney haweestaan degaanada ay hadda qabsadeen sida Bacaadweyn, Wisil oo ay dul degan yihiin iyo Baxdo oo ay heystaan mudo dheer.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...