[Topnews] Saadasha sanadkan iyo doorashada Somalia, 2022

0
Friday December 31, 2021 - 04:16:42 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 3363
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Saadasha sanadkan iyo doorashada Somalia, 2022

    Waagacusub.com - Sidaad la socotaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo musharaxiinta u taagan qabashada xilkaasi waxaa uu loolanka u dhaxeeya socdaa waqti dheer' taasi oo keeni karta in labada dhinac cadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Sidaad la socotaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo musharaxiinta u taagan qabashada xilkaasi waxaa uu loolanka u dhaxeeya socdaa waqti dheer' taasi oo keeni karta in labada dhinac caddaawada Siyaasadeed ee u dhaxeeysa in uu fursad ka helo musharax an la fileyn.

Ila wareedyo muhiima ayaa tilmaamaya, in shaqsiga ay dhaci karta in loolanka u dhaxeeya Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhammaaday iyo midowga Musharaxinta uu noqon karo Musharax Madaxweyne Axmed Cabdulaahi Samow, sababaha soo socdo dartood.

1: Waxaa uu heli karaa dhamaan Xildhibaanada labada aqal kuwooda Ahlusunna Waljameeca, maadama uu yahay '  uu yahay qof ahlu dariiqa ah.

Loading...

2: Waxaa hubaal ah in uu helaayo cododka Xildhibaanada Beesha Gugundhabe, maadama uu yahay Musharaxa kaliya ee Beeshaasi u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya. 

3: Sidaasi oo kale  waxaa uu haysta fursad Xildhibaanadda Federalka ee ka imaanaya Gobalka Hiiraan, maadama uu halkaasi ka soo jeedo galaangal badan oo Siyaasadeedna uu ku leeyahay.

4: Waa musharax dhallinyara ah, waxaa uu haysta fursad uu ka heli karo codka dhalinyarada ee Baarlamaanka cusub 2022 maadama Boqolkiiba 70 noqon doonan tirada soo galaysa baarlamaanka cusub  dhalinyaro.

5: Waxaa suurta gal ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobaladda waqooyi Koonfur galbeed iyo Beesha shanaad oo aysan deeganadooda weli gaarin' lagana soo dooran Madaxweyne in ay isbadal Siyaasadeed ku siiyaan cododkooda. Maadama uu Musharaxan ay isaga mid yahiin  dadkiisa iyo deegankiisa oo an weli fursad u helin xilka Madaxweyne.
  
Ugu danbeyn waxaa suura gal ah in ey dhacdo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday codadkiisa  wareega labaad in uu ku wareejiyo musharaxaan maadaama musharixiinta kale iyo Asaga ey ka dhaxeyso cadaawad siyaasadeed.

By Nuur Ismaaciil Sheekh 


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...