[Topnews] Aqoon-yahan si fudud ku qaadan kara xilka Madaxweyne oo is sharaxaya & sameyntiisa Siyaasada!

0
Sunday February 27, 2022 - 12:44:41 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 3093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Aqoon-yahan si fudud ku qaadan kara xilka Madaxweyne oo is sharaxaya & sameyntiisa Siyaasada!

    Waagacusub.com:- Waxaa dalka ka biloowday dhaq dhaqaaqa. ololaha Kaambeynka doorashada xilka Madaxweyne, ee Soomaaliya,iyado xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka meel wanaagsan oo gaba gaba ay maraayso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com:- Waxaa dalka ka biloowday dhaq dhaqaaqa. ololaha Kaambeynka doorashada xilka Madaxweyne, ee Soomaaliya,iyado xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka meel wanaagsan oo gaba gaba ay maraayso.

Musharaxiin badan ayaa isku soo taagay xilkaa Madaxweyne, kuwaa oo u baddan wejiyo aan Bulshadda ku cusbeyn.Sidda Madaxweynayaal dalka horey u soo maamulay iyo Siyaasiyiin taarikh wanaagsan oo lagu xusho aan laheyn. 

Hasa,yeeshe waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu xilka Madaxweyne isku soo sharaxayo Aqoon-yahan Siyaasi saameyn iyo sumcad fiican ku dhex leh Bulshadda. Eng Cabdulaahi Cali Xasan oo la rumeysan yahay haddii uu xilka isku soo sharaxo in uu si fudud ugu soo dhax baxi karo Musharaxiintaas.

Loading...

Xeeldheerayal Siyaasadeed ayaa waxa aay qabaan hadii Wasiirkii hore ganacsiga iyo Warshadaha Eng: Cabdulaahi, oo 30 kii sanno ee la soo dhaafay" ka shaqeynayay howlaha samafalka. Haddii uu xilkaas isku soo taago noqon karo Madaxweynaha xafiiska ka badalaya Madaxweynaha muddo xilkeedka sharciga ahaay ka dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. 

Waxa uu kamid  ahaa xubnaha ugu fir fircoon golaha Wasiiradda Xukuumaddii Raysulwasare Xasan Cali Kheyre, iyado mar Warbaahinta si wayn u hadal haysay in Farmaajo u soo jeediyay Eng: Cabdulaahi in noqdo Raysulwasaare. Hasa,yeeshe uu ka cudur daartay qabashadda xilkaasi, Dadka yaqaanna shaqsiyadiisa ayaa tilmaamay in uu yahay  Siyaasi aragti dheer aad u ilaaliya ballamada , Marka la eeganavdhanka Go’aan qaadashada ku fiican.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...