Guddigii loo xil saaray xaaladda Garbahaarey & kulammadii Kismaayo halkee wax marayaan?

0
Saturday March 05, 2022 - 06:39:06 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 1492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddigii loo xil saaray xaaladda Garbahaarey & kulammadii Kismaayo halkee wax marayaan?

    Waagacusub.com:- Guddiga Qiimeynta Xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey ee uu magacaabay Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo gabagabeeyay wadahadalladii iyo kulammadii wadatashiga ahaa ee ay magaalada Kism

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com:- Guddiga Qiimeynta Xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey ee uu magacaabay Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo gabagabeeyay wadahadalladii iyo kulammadii wadatashiga ahaa ee ay magaalada Kismaayo kula lahaayeen mas'uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland ee ay khuseyso doorashada Garbahaarreey.


Guddiga ayaa tan iyo Arbacadii oo ay gaareen magaalada Kismaayo waxa ay kulammo la yeesheen madaxweynaha ubaland Axmed Maxamed Islaam, madaxweynen ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah iyo siyaasiyiin reer Jubaland ah, gaar ahaan kuwa ay khuseyso arrinta deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey, iyagoo ka dhageystay aragtiyahooda ku aaddan maareynta iyo habka ugu fudud ee ay ku dhici karto doorashadaasi.

 

Guddiga Qiimeynta ayaa sidoo kale kulammo wadatashi iyo aragti ururin ah la yeeshay qaar ka mid ah duubabka, ugaasyada, salaadiintaiyo nabadoonada deegaan doorashada Garbahaareey ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Guddiga oo uu hoggaaminayo la taliyaha dhinaca sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha Avv.Cumar Maxamed Cabdulle ayna xubno ka yihiin qaar ka mid ah madaxda guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ayaa la filayaa in ay ku soo noqdaan Muqdisho, si ay warbixinta socdaalkooda ula wadaagaan Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaana qorshuhu yahay in ay sidoo kale tagaan Garbahaarreey, si ay u dhageystaan aragtiyaha dadka deegaanka ee ku aaddan qabsoomidda doorashada 16 kursi oo Golaha Shacabka ah oo la qoondeeyay in lagu qabto Garbahaarreey.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...