Prof Ibbi: "Farmaajo ayaa iga hor istaagay u tartamidda kursiga aan ku fadhiyay". Oohin

0
Monday March 07, 2022 - 08:17:14 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 1803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Prof Ibbi: "Farmaajo ayaa iga hor istaagay u tartamidda kursiga aan ku fadhiyay". Oohin

    Waagacusub.com:- Prof Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) ayaa eedeyn kala dul dhacay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu u sacba tumayay 5tii sano lasoo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com:- Prof Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) ayaa eedeyn kala dul dhacay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu u sacba tumayay 5tii sano lasoo dhaafay.


Ibbi ayaa sheegay in Sababta looga reebay in uu markale kamid noqdo Baarlamaanka Soomaaliya uu leeyahay Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo, waxa uu ka qoomameeyay taageerada hagar la’aanta ah uu u muujiyay.

21-sano waxa uu ahaa Xildhibaan katirsan 5tii Baarlamaan ee u dambeysay Dalka soo martay, halka uu soo qabtay xilal kale uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo 5 jeer oo uu kamid noqday Golaha Wasiirada.

"Dad aan ku kalsoonaa ayaa dhabarka iga jebiyay, Waxa qaldamahay waa dhabar ka toogasho dadka intooda badan dhowr jeer ii sheegeen balse ugu dambeyn aan arkay, mana filaneyn meesha ay iga gaarsiisneed & halka ay ku dhammaatay” ayuu yiri Prof Ibbi.

Cabdiraxmaan Xaaji Aadan ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in uu amar ku bixiyay sidii looga hor istaagi lahaa u tartamidda kursiga uu ku fadhiyay ee Golaha Shacabka.

"In aniga kursiga la iga wareejiyo ma aha Koofur Galbeed ee Waa Villa Somalia, saacadihii ugu dambeeyay kahor doorashada ayaa la go’aamiyay, Aniga waxa aan ahaa halgamaa weyn oo Nabad & Nolol ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof Ibbi.

Waxa uu su’aal geliyay rejada uu Farmaajo ka leeyahay in dib loo doorto xitaa isaga oo Baarlamaanka kahor istaagay in ay dib ugu soo laabtaan Jawaari, Dalxa, Muudey iyo mudanayaal kale oo aan xubno ka noqon Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

"Soomaalida nin ay mar dooratay mar labaad ma doorato, Sidii hore ma aha oo codadka la isugu shubaayo, Dhalinyarada soo gashay Baarlamaanka nin weliba wuu arkayaa beerta la fashay, sida loola dhaqmay Muudey, Dalxa, Jawaari, Shariif Xasan & Dad kale” Sidaasi waxaa yiri Prof Cabdiraxmaan Ibbi.

"Shalay Farmaajo waan taageersanaa 100% balse waxaa muhiim ah in uu qofka ballan & diin leeyahay ayaa lagu raacaa, in todobo saac habeennimo la I yiraahdo Ergadada geyso Baydhabo oo toban saac galabnimo telefoon la iga soo daba tiro oo la dhaho asiga ma aha yaah waxa ay ka dhigan tahay sii oo ha siin” ayuu hadalkiisa kusii daray Prof Cabdiraxmaan Ibbi.

$34 Milyan oo Doollar ayuu Ibbi sheegay in Villa Somalia ku bixisay doorashada kuraasta Xildhibaannada Golaha Shacabka si ay u hesho Xildhibaanno codkooda siiya Farmaajo, waxa uu tilmaamay in dacwad lagu baarayo lacagtaas dhawaan la furi doono sida uu hadalka u dhigay.

Dad badan oo si xun loo bahdilay lana duleestay sida Professor Ibbi  oo Oohin  la aamusin waayay  ayaa ka shalaayay taagerada ay u muujiyeen kaligii taliye Farmaajo 


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...