[Daawo] Ku guuleyso shan boqol dollar, sheeg sababta Baqasha loo rimin waxna u rimin

4
Monday April 04, 2022 - 21:51:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5134
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 5 1
  • Share via Social Media

    [Daawo] Ku guuleyso shan boqol dollar, sheeg sababta Baqasha loo rimin waxna u rimin

    Waagacusub.com - Alle SWT wuxuu sheegay inuu abuuray Lab iyo Dhedig sidaas darteed sheeg sababta Baqasha aysan waxna u rimin, loona rimin oo ay iskaga dhalaan Dameer iyo Faras ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Alle SWT wuxuu sheegay inuu abuuray Lab iyo Dhedig sidaas darteed sheeg sababta Baqasha aysan waxna u rimin, loona rimin oo ay iskaga dhalaan Dameer iyo Faras ?

Baqasha Waa mid kamid ah boqortooyada xayawaanka "Animal kingdom”. Bahda lafdhabarleyda ah "Chortada”. Gaar ahaan bahweynta Naasleyda "Mammalia”. Sidoo kale waxay ka mid tahay bahda Qoobleyda "Perissodactyla”. Baqashu waxay ku jirtaa qoyska weyn ee Gammaanka ”Equdae”, kaas oo ay ka tirsan yihiin: Fardaha, Farawga iyo  Dameerka. Bahda Cilmiga Saynisku waxay u yaqaannaan: "Equus asinus ×Equus caballus”. Baqasha waxaa iska Dhala Geenyo iyo Dameerka lab ama, Faras iyo Dameer dheddig. Asal ahaan waxa ay kasoo jeedaa Dalka Masar.

Luuqadda Ingiriisida waxaa loogu yeedhaa: "Mule”, afka carabidana "بغل”. Halka afka Soomaaligana lagu yidhaahdo "Baqal”. Cimrigeedu waxa uu gaadhaa: 35-40 sanno. Dhererkeeduna: 120-180 sentimitir. Heerkulka jidhkeeduna: 37-38 digrii. Waxay leedahay 63 hiddo-side. Iyadoo Ku qaangaarta laba illaa saddex sanno. Baqashu waxay quudataa cawska iyo caleemaha dhirta "Herbivores”, gaar ahaan maalintii "diurnal”. Biyaha waxey moogaan kartaa 10-13 cisho, waxayna Ku cabtaa biyaha faruuryaha. Baqashu waxay kamid tahay xayawaannada qur’aanka lagu sheegay. Sidoo kale waxay ka tirsan tahay xayawaannada leh dhiigga diirran ”warm blooded” iyo kuwa hal calooleyda ah "Monogastric”. Baqashu waxay leedahay 40 ilkood.

Ugu danbayntii baqasha maadaama ay iska dhaleen Faras iyo Dameer mid kasta waxay ka shabahdaa dhinac. Baqashu ma taranto ama wax iskama dhasho iyadu, sababta oo ah Hiddo-side heedu uma qaybsamo laba isle’eg. Waxaa jira Xanuunno Ku dhaca baqasha kuwaas oo ay kamid yihiin: Xanuunka fardaha afrika, Ruquuska iyo Teetanada. Sidoo kale waxay leedahay faa’iidooyin ay kamid yihiin in la gadiidsado. Baqasha hilibkeedu waa xaaraan in kasta oo ay iska dhaleen laba xayawaan oo midna xalaal yahay midna xaaraan. 

Baqasha adduunka ugu badan waxaa laga helaa dalalka: Magsiko iyo Shiinaha.

Ku soo dir jawaabta [email protected] ama ku reeb comments

Loading...
Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...