[Axmed Karaash].Oo Sheegay Inuu Xilalkii Ka Qaaday Wasiirada Gudaha,Amniga Iyo Maaliyadda Puntland

0
Thursday May 05, 2022 - 07:09:13 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Axmed Karaash].Oo Sheegay Inuu Xilalkii Ka Qaaday Wasiirada Gudaha,Amniga Iyo Maaliyadda Puntland

    (Waagacusub.com) Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku sheegay in uu xilalkii ka qaaday Wasiiradda Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Amniga C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Waagacusub.com) Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku sheegay in uu xilalkii ka qaaday Wasiiradda Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Amniga Cabdisamed Galan ee maamulka Puntland. Wareegtadan ayuu Axmed Karaash waxa uu ugu magacaabay Wasiirka Maaliyadda C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido), halka Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) u magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta, waxa sidoo kale uu u magacaabay Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) Wasiirka Amniga Puntland.

Loading...

Xilka ka qaadista uu sheegay inuu ku sameeyay wasiiradan aad ugu dhowaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cirka ku sii shareereysa khilaafkii u dhexeeyay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Saciid Deni Madaxweynaha Puntland ayaa horay u sheegay in aysan dhaqangal ahayn wareegto kasta oo uu soo saaro Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...