[Guddoonka] Golaha Shacabka oo go'aan ka gaadhay xildhibaanadii Gedo

0
Sunday May 08, 2022 - 20:02:09 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Guddoonka] Golaha Shacabka oo go'aan ka gaadhay xildhibaanadii Gedo

    WAAGACUSUB MOQDISHO- Qoraal ka soo baxay guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey go'aan laga qaatay murankii ka taagnaa xildhibaanada laga soo doortay gobolka Gedo, waxaa guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ay shaaciyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAAGACUSUB MOQDISHO- Qoraal ka soo baxay guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey go'aan laga qaatay murankii ka taagnaa xildhibaanada laga soo doortay gobolka Gedo, waxaa guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ay shaaciyeen in 16-kii xildhibaan ee lagu soo doortay degmada Ceelwaaq inay yihiin xildhibaanada saxda ah ee meteli doona gobolka Gedo.
Guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay inay go’aankoodan ay saldhig uga dhigeen maadaama xildhibaanada doorashadoodu ka dhacday degmada Ceelwaaq in lagu soo doortay hab waafaqsan habraaca doorashada ee Guddiga Hirgelinta Doorashada Dadban ee Heer Federaal, iyada oo doorashadoodana ay qabteen Guddida Hirgelinta Doorashada Dadban ee heer dawlad goboleed, halka xildhibaanada lagu soo doortay degmada Garbahaaray inaanay doorashadooda qaban guddidii doorashada ee heer dawlad goboleed ee ay ahayd inay qabato.

Guddoonka golaha shacabka ayaa qoraalka ay soo saareen ku sheegay laba qodob oo ay go'aamiyeen oo kala ah:

1. In Xildhibaanada lagu soo doortey Degmada Ceelwaag ee Gobolka Gedo inay yihiin kuwa sharci ahaan ku matalaya Gobolka Gedo Baarlamaanka 11aad, maadaama Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubaland uu furay Doorashada, habraaca Doorashadoodana ay qabteen Guddiga Hirgalinta Doorashada dadban ee Heer Dawlad Goboleed, halka shahaadada rasmiga ah ee xildhibaanimo ay siiyeen Guddiga Hirgalinta Doorshada Dadban ee Heer Federaal, uuna taageerey R/Waasaraha X.F.S oo ah Madaxa Doorshada Dadban ee 2021/2022, sidaa darteed aanay jirin meel laga duro habraaca Xildhibaanada lagu soo doortey degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

2. Guddoonku waxuu ku talinayaa dadka walaalaha ee Gobolka Gedo ee xurgufta siyaasadeed soo kala dhex gashay in ay khilaafkooda wadahadal ku dhameeyaan maadaama ay doorashadii dhamaatay.

Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka ka soo baxay golaha shacabka oo dhamaystiran.


Loading...

 


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...