[Guddoomiyaha] Golaha Shacabka oo kormeer ku tagay hoolka lagu qabanayo doorashada Madaxweynaha

0
Tuesday May 10, 2022 - 17:36:49 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 671
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Guddoomiyaha] Golaha Shacabka oo kormeer ku tagay hoolka lagu qabanayo doorashada Madaxweynaha

    Talaado, May, 10, 2022 (WAAGACUSUB MEDIA ) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Maanta kormeer ku tagay xarunta lagu qabanayo doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maalinta ber

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaado, May, 10, 2022 (WAAGACUSUB MEDIA ) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Maanta kormeer ku tagay xarunta lagu qabanayo doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maalinta berito ah ay ka bilaabaneyso hadal jeedinta musharaxiinta madaxweynaha.
Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kormeerkiisa waxa uu ahaa mid uu indha indheyn iyo qiimeyn ugu sameynaayay teendhada Afisyooni oo ah goobta lagu qabanaayo doorashada madaxweynaha oo ay haatan ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro doorashada madaxweynaha.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa gudaha teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwa amniga Soomaaliya, isagoona faray Saraakiisha in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala galay in ciidamada amaanka ay ku shaqeeyaan, waxuuna amray saraakiisha ciidamada in aysan dadka ku xadgudbin oo si hagar la'aan ah ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Loading...

By Ali adan Hashi 
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...