[Faahfaahin] ka soo baxaysa qarax goordhawayd ka dhacay magaalada Muqdisho

0
Wednesday May 11, 2022 - 11:10:57 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Faahfaahin] ka soo baxaysa qarax goordhawayd ka dhacay magaalada Muqdisho

    Moqdisho (waagacusub media) Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qof walxaha qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyay bar kontarool oo laga hubiyo amniga garoonka Aden Cabdulle oo ku taala isgoyska KM4.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Moqdisho (waagacusub media) Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qof walxaha qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyay bar kontarool oo laga hubiyo amniga garoonka Aden Cabdulle oo ku taala isgoyska KM4.

Qof goobjoog ah ayaa sheegay inuu arkay dhaawaca labo qof. Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan xogta qaraxa, isla markaana ay warbixin ka soo saari doonaan.

Qaraxa ayaa imaanaya, iyadoo goordhow la filayo in hoolka doorashada ee Xalane ay ka bilaabato dhagaysiga khudbadaha qaar kamid ah murashaxiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sida muuqato waxa faràha kasi baxayo Amniga magalada Moqdisho qaraxa aya lala egtay Gudomiyiha Dagmada Warta Nabada Ex Wardhigley Zeynab Xabsay waxana kudhintay Askar kamida ilaaladeda qaar kalena wey kudhawacmen Gudmiye Zaynab aya shektay ine ka badnaday qarixi ismidaminta ahaa ee lala bekaaday 

Ali Adan Hashi 


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...