[C/Kariin Guuleed] Oo Ku Dhawaaqay Inuu Isaga Haray Tartanka Doorashada, Una Tanaasulay CCW

0
Friday May 13, 2022 - 07:08:11 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [C/Kariin Guuleed] Oo Ku Dhawaaqay Inuu Isaga Haray Tartanka Doorashada, Una Tanaasulay CCW

    May 13 (Waagacusub )- Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu isaga haray tartanka musharacnimo ee loogu jiro xilka madaxweyne ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

May 13 (Waagacusub )- Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu isaga haray tartanka musharacnimo ee loogu jiro xilka madaxweyne ee Soomaaliya.

Wararka la helayo waxa ay sheegayaan inuu Guuleed u tanaasulay C/raxmaan C/shakuur Warsame, wuxuuna hoggaaminayaa Ololaha C/raxman C/shakur taasoo macno iyo miisaan u yeeleysaa in AAW ka mid noqdo Musharaxiinta ugu saameynta badan.

Goobta uu ku tanaasulayay C/kariin Guuleed waxaa goob joog ka ahaa xildhibaano kamid ah beesha habargidir oo ay kamid yihiin Cabdi Qeybdiid iyo C/xakiin Macalin Axmed, waxaana howshan kaalin weyn ku lahaa madaxweynaha Galmudug Qoor qoor. Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa talaabadan ku micneeyay biseyl siyaasadeed oo dhif iyo naadir tahay iyadoo marxaladda adag lagu jiro in Musharax ku dhiirado inuu tanaasulo, waana tallaabo lagu xusuusan doono madaxweynihii hire ee Galmudug Guuleed.

Si kastaba, Musharaxiinta ugu cadcad doorashada ayaa la rumeysan yahay inay kala yihiin Farmaajo, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh, Saciid Deni iyo Xasan Kheyre, mana cadda haddii tanaasulka Guuleed uu taas wax ka beddeli doono, sarena usoo qaadi doono Cabdiraxmaan Cabdishakuur

c/kariin guuleed oo ku dhawaaqay inuu isaga haray tartanka doorashada, una tanaasulay ccw.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...