[Ololihii] Ugu Xooganaa Oo Ka Socda Muqdisho Iyo Qiimaha Lacagta Ee Codadka Oo Sare U Sii Kaceysa .

0
Sunday May 15, 2022 - 07:22:52 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Ololihii] Ugu Xooganaa Oo Ka Socda Muqdisho Iyo Qiimaha Lacagta Ee Codadka Oo Sare U Sii Kaceysa .

    May 15 (Jowhar.com)- Waxaa maanta lagu wadaa in teendhada Afisyooni ee ku taala xerada ciidanka cirka lagu qabto doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay xilkan u tartamayaan ilaa 35 musharax. Wararka la helayo ayaa sheegaya in diyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

May 15 (Jowhar.com)- Waxaa maanta lagu wadaa in teendhada Afisyooni ee ku taala xerada ciidanka cirka lagu qabto doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay xilkan u tartamayaan ilaa 35 musharax. Wararka la helayo ayaa sheegaya in diyaar garowgii u danbeeyay ee doorashada uu socdo, iyadoo goobta doorashada ay durba gaareen xubno kamid ah guddiga isku dhafka ah ee labada aqal, iyagoo warbaahinta u sheegay in doorashada aysan maanta dhaafeyn. Amniga guud ee Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana xalay ka dhaqan galay caasimadda Bandow soconaya ilaa beri, waxaana gaadiidka iyo shacabka ka xiran wadooyinka magaalada, iyadoo wadooyinka lagu arkayo oo kaliya gaadiidka ay ciidamadda amniga isticmaalayaan.

Ololihii u danbeeyay ee doorashada ayaa haatan socda, iyadoo aan xalay laga seexan aqalada iyo xarumaha musharixiinta oo ay marba u tagayeen koox xildhibaana ah, wararka waxey intaasi ku sii darayaan in lacagaja codadka uu saaka ku waabariistay uu qiimaha gaarayo 40 ilaa 50 kun oo doolar oo la siinayo xildhibaanada, walow Farmaajo iyo Deni wali aysan qasnadohooda furin, balse daqiiqadaha soo socda ayaa la filayaa.

Si kaataba, Villa Somalia ayaa la filayaa in in xildhibaankiiba ay siiso 100 kun oo dollar, taasi oo noqon doonta lacagtii ugu badneyd ee abid lagu iibsado cod xildhibaan, waxaana adag in la helo musharax bixin kara lacag taas la mid ah


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...