[TPLF] oo sheegtay inay siidaysay Maxaabiis kamid ah Ciidamada dowladda Itoobiya

0
Saturday May 21, 2022 - 02:04:14 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1792
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [TPLF] oo sheegtay inay siidaysay Maxaabiis kamid ah Ciidamada dowladda Itoobiya

    Jimco, May, 21, 2022 (Waagacusub ) - Kooxda TPLF ayaa sheegtay inay xabsiga kasii daysay maxaabiis badan oo kamid ah Ciidamada Itoobiya, kuwaas oo ay sheegtay in lagu qabtay dagaalkii mudada dheer ka socday gobolka Tigray ee u dhaxeeyay TPLF iyo dowl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimco, May, 21, 2022 (Waagacusub ) - Kooxda TPLF ayaa sheegtay inay xabsiga kasii daysay maxaabiis badan oo kamid ah Ciidamada Itoobiya, kuwaas oo ay sheegtay in lagu qabtay dagaalkii mudada dheer ka socday gobolka Tigray ee u dhaxeeyay TPLF iyo dowladda Itoobiya. Tirada ay sheegayso TPLF inay siidaysay ayaa ah 4,000 oo kamid ah Ciidamada dowladda Itoobiya, balse faahfaahin intaa ka badan kamaysan bixin TPLF.

Balse wali ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Itoobiya, oo ku saabsan sheegashada TPLF ee ah inay siidaysay Askar badan oo kamid ah Ciidanka Itoobiya, mana jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya arrintan.

Ciidamada dowladda Itoobiya iyo Kooxda TPLF ayaa waxaa horey u dhex maray dagaal muddo dheer socday, oo ay ku baaba'een magaalooyin badan, isla markaana ku barkaceen shacab aad u tiro badan, iyadoo intii uu dagaalku socday labada dhinacba ay sheegan jireen inay kala qabsadeen maxaabiis, balse waxaa mar walba adkayd xaqiijinta sheegashadaas.

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...