[Madaxweyne] Xasan Sheikh oo xilka la wareegaya

0
Monday May 23, 2022 - 11:12:47 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Madaxweyne] Xasan Sheikh oo xilka la wareegaya

    Isniin, May, 23, 2022 (WAAGACUSUB ) - Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka kala wareegay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo shan sano ah hoggaaminayay dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isniin, May, 23, 2022 (WAAGACUSUB ) - Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka kala wareegay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo shan sano ah hoggaaminayay dalka. Xaflad kooban oo xil wareejin ah ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyada, 

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo  uu xafiiska si rasmi ah u baneeyay  madaxweynihii hore Farmaajo oo shan sano ka badan ku sugnaa Villa Somalia.

Maalintii Sabtida labada hogaamiye ayaa yeeshay wada-hadal wax ku ool ah oo ku saabsan qorshaha kala guurka Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa la filayaa  inuu sameeyo magacaabidiisa ugu horreysay ee dowladdiisa cusub.

Magacaabidda ugu horreysa waxaa la filayaa inay ka billaabato madaxtooyada Somalia, oo ah meelaha ugu horreeya oo ay saameeeyaan isbeddelka higgaamineed ee dalka ka dhacay.

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...