[Somaliland] Oo Xabsi Iyo Ganaax Lacageed Ku Riday Wariye Coldoon

0
Monday May 23, 2022 - 11:18:09 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1788
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Somaliland] Oo Xabsi Iyo Ganaax Lacageed Ku Riday Wariye Coldoon

    May 23 (WAAGACUSUB )- Maxkamada Racfaanka ee magaalada Hargeysa ayaa manta ku xukuntay wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon laba sanno oo xabsi ah iyo saddex Milyan oo lacagta Somaliland ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

May 23 (WAAGACUSUB )- Maxkamada Racfaanka ee magaalada Hargeysa ayaa manta ku xukuntay wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon laba sanno oo xabsi ah iyo saddex Milyan oo lacagta Somaliland ah. Coldoon oo 8-dii bil ee la soo dhaafay ku xirnaa Hargeysa ayaa eesaha loo heysto waxaa kamid ah; dacaayad qaran dumisnimo ah, faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland, inuu warbixino liddi ku ah ka qoray Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, doodaas oo meel sare gaartay.

Loading...

3-dii bishii February sanadkan 2022 ayaa waxay Maxkamada gobolka Maroodi-Jeex amartay in xabsiga laga sii daayo wariye Coldoon, maadaama wax danbi ah lagu waayay balse waxaa go’aankaas Racfaan ka qaatay Maxkamadda Racfaanka ee Hargeysa oo go’aankan culus maanta gaartay.

Si kastaba, Wariye Coldoon ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale loogu xiray Somaliland, waana nin ku caan baxay arrimaha samafalka iyo u gargaarida dadka tabaaleysan oo uu u doodi jiray, gurmadna gaarsiin jiray.

 

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...