Madaxweyne Xasan Sheekh oo Agaasimaha Sirdoonka u magacaabay Siyaasi caana

0
Wednesday May 25, 2022 - 07:46:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5889
  • (Rating 4.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Agaasimaha Sirdoonka u magacaabay Siyaasi caana

    Waagacusub.com - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa Xildhibaan Mahad Salad u magacaabay Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka NISA. Dib u dhiska, iyo hagaajinta Hay'adda NISA waxey qaadaneysaa ugu yaraan l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa Xildhibaan Mahad Salad u magacaabay Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka NISA. Dib u dhiska, iyo hagaajinta Hay'adda NISA waxey qaadaneysaa ugu yaraan laba sanadood. maxaa yeelay guud ahaan hay'adaan waxaa burburiyay kooxda Farmaajo.
MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO MAGACAABEY AGAASIMAHA HAAYADDA SIRDOONKA IYO NABAD SUGIDDA QARANKA EE NISA
Muqdisho, May 25, 2022, Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee soomaaliya marka uu arkay shacabka soomaaliyeed baahida ay uqabaan nabadgalyo iyo amni,
Marka uu garwaaqsadey baahida looqabo hogaanka haayadda Nabadsugiddu u baahantahey, marka uu arkay aqoontiisa iyo khibradiisa, marka uu arkay waayo aragnimadiisa waxa uu Mudane Mahad Maxamed Salaad u magacaabey agaasimaha haayadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda qaranka ee NISA.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mudane Mahad Maxamed Salaad uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka amniga qaranka, duruufaha amni ee ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib-u-dhiska haayadda Sirdoonka Qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey agaasimaha cusub ee haayadda nabad sugidda qadanka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...