[Madaxweyne] Somalia oo Maraykanka u mahadceliyay

0
Thursday May 26, 2022 - 00:21:25 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Madaxweyne] Somalia oo Maraykanka u mahadceliyay

    (WAAGACUSUB.com ) - Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta khadka telefoonka kula hadlay xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Sec Blinken, ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soom

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(WAAGACUSUB.com ) - Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta khadka telefoonka kula hadlay xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Sec Blinken, ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sidoo kale ku celiyay sida ay dowladiisa uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka kala dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa maalmo ka hor soo dhoweeyay in Maraykanku dib ugu soo celinayo ciidamadiisa uu Soomaaliya kala baxay bishii January 2020, kadib markii madaxweyihii hore ee Maraykanka, Donald Trump uu 700 askari ka saaray Soomaaliya.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa qalinka ku duugay codsi ka yimid wasaaradda gaashaan dhigga, oo ah in 500 askari la geeyo Soomaaliya, si ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS uga caawiyaan howlgallada milatari.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay soo dhoweynayaan cid kasta oo ka caawinaysa dagaalka ay Soomaaliya kula jirto ururka Alshabaab.

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...