[Topnews:-] Taliyaha cusub ee NISA muxuu ka yiri dilkii Ikran Tahliil ? maxaadse ka taqaanaa?

0
Friday May 27, 2022 - 04:34:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3955
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Taliyaha cusub ee NISA muxuu ka yiri dilkii Ikran Tahliil ? maxaadse ka taqaanaa?

    Waagacusub.com- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay magacaabida taliyaha cusub. Waxaa si kumeelgaarka ah horey taliaha nabad sugida u ahaa xildhibaan Yaasiin Farey. Hay'ad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay magacaabida taliyaha cusub. Waxaa si kumeelgaarka ah horey taliaha nabad sugida u ahaa xildhibaan Yaasiin Farey. Hay'adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ah mid ka mdi ah rukana ugu waawayn uguna muhiimsan laamaha ammaanka dalka.
Waa Kumaa Mahad salaad?

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa sanaddii 1980-kii ku dhashay magaalada Dhusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Taliyaha Cusub ayaa mar uu taariikhdiisa ka hadlayay waxaa uu sheegay in waxbarashadiisii dugsiyada hoose dhexe uu qeyb ka mid ah ku qaatay Soomaaliya halka qeyb-na uu ku qaatay dalka Kenya.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay in waxbarashadiisii dugsiga sare uu ku soo qaatay dalka Masar.

Loading...

Mahad Salad ayaa waxbarashadiisii heer Jaamacadeed ku soo qaatya dalka Masar, isaga sidoo kale shaahaha Mastar-ka ku qaatay isla wadanka Masar.

Waayihii siyaasadda ee Mahad salad

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa siyaasada ku soo biiray sanaddii 2011-kii markaasi oo uu ka mid noqday xubnihii xisbigii PDP.

Sanaddii 2012 ayaa markii ugu horeysay loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa mar kale waxaa uu ka mid noqday golaha shacabka doorashadii sanaddii 2016.

Taliyaha cusub ee nabad sugida ayaa sanadkan markii saddexaad ka mid noqday golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sanadii 2013 waxaa uu ka mid noqday golaha wasiirada isaga oo loo magacabay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda.

Waxaa uu sidoo kale Mahad maxamed Salaad uu xilligii dowladdii madaxwayne Xasan sheekh Maxamuud uu mar noqday wasiiro dowlaha madaxtooyada.

Mahad Salaad ayaa 10 sano ee ugu dambeeysay ee uu siyaasadda ku jiray waxaa uu ahaa mid ka mid xildhibaanada ugu firfircon.

Waxaa intii uu xilka hayay madaxwayne Farmaajo uu ka mid ahaa siyaasiyiintii sida wayn uga soo horjeeday.

Waxaa lagu xusuustaa in markii uu madaxwayne Farmaajo isku dayay in uu muddo kororsi sameeyso uu ka mid ah dadkii horkacayay ciidamadii loo bixiyay "badbaado qaran”.

Waxaa uu xildhibaan Mahad Salaad sidoo kale ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb qaatay abaabulkii ciidan ee looga hortagayay xoogagga Ahlu-Suna ee Guriceel.
Dilkii Ikraan
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanadii hormuudka ka ahaa u ololeyntii sidii ay cadaalad u heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahliil.

Markii bishii November uu soo baxay warka ku saabsan dilka Ikraan Tahliil ayaa waxaa uu Mahad Salaad shaki galiyay cidda ka dambeysa dilka isaga oo taliyihii xilligaasi ee Nisa Fahad Yaasiin ku eedeeyya dilkeeda.

"Al-Shabaabka Fahad Yaasiin sheegay in ay dileen Ikraan Tahliil waa ISAGA. Isagaa dilay, duugayna Ikraan Tahliil. Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay furtaan gal dacwadeed Fahad ka dhan ah,” ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

Mr Mahad ayaa marar badan ku celceliyay waqtii ay doonto ha qaadatee in Ikraan iyo qoyskeeda ay caddaalad heli doonaan.

"Qof anaga naga mid ah inta uu nool yahay insha allah kiiska Ikraan Kama hari doono inta caddaalada la horkeenayo dambiilayashii shaarka dowladeed idinku dhibaateeyay” ayuu 24 March ee sanadkan ku soo qoray bogiisa Facebook.

Maadaama imika loo magacaabay taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, ma cadda tallaabada uu Mahad Salaad qaadi doono ee ku aadan kiiska Ikraan Tahliil.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...