[Dalalka] Midowga [Afrika] oo ku dhawaaqay inay sameysanayaan ciidamo heegan ah oo la dagaalama argagixisada

0
Thursday June 02, 2022 - 14:38:32 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Dalalka] Midowga [Afrika] oo ku dhawaaqay inay sameysanayaan ciidamo heegan ah oo la dagaalama argagixisada

    Khamiis, Juun, 2, 2022 (WAAGACUSUB ) - Dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa isku raacay in si buuxda loo hawlgeliyo ciidamada heeganka ah ee Afrika si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee qaaradda Afrika. Heshiiskan ayaa waxaa ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khamiis, Juun, 2, 2022 (WAAGACUSUB ) - Dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa isku raacay in si buuxda loo hawlgeliyo ciidamada heeganka ah ee Afrika si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee qaaradda Afrika. Heshiiskan ayaa waxaa ku dhawaaqay Alhadji Sarjoh Bah, oo ah agaasimaha maaraynta khilaafaadka Midowga Afrika, ka dib shir aan caadi ahayn oo madaxda Afrikaanka ah ay ku yeesheen dalka Guinea Dawladaha xubnaha ka ah waxay ku heshiiyaan in ay si buuxda u howlgalaan ciidamada heeganka ah ee Afrika, in ay wadaagaan sirdoonka iyo si wadajir ah loola dagaalamo argagixisada iyo dambiyada abaabulan" ayuu yiri Alhadji Sarjoh Bah.

 

Ciidanka heeganka ah ee Afrika waxa uu ka kooban yahay awoodo dhinacyo badan leh, oo ay ku jiraan milatari, boolis iyo rayid, kuwaas oo heegan u ah in si degdeg ah loogu diro waddan kasta oo ay ku timaado khatar dhinaca argigxisada ah.

Moussa Faki Mahamat, oo ah guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika oo ka hadlay shir madaxeedka ayaa xusay in argagixisada ay ku soo korortay qaaradda tan iyo sanadkii 2011-kii kadib qalalaasaha Liibiya, taasoo ka dhalatay markii NATO ay taageertay xilka qaadista  hoggaamiyihii Liibiya Mucamar Al-Qadaafi.

Guddoomiyaha midowga Afrika waxa uu sheegay in qalalaasaha ka taagan Liibiya ay wadada u fureen calooshood u shaqeystayaasha shisheeye oo ku sugan gobolka Saaxil iyo qulqulka ururada argagixisada ee looga adkaaday bariga dhexe.

Wuxuu intaas ku daray in argagixisadu ay hadda ku fiday dalal kale oo Afrika ah, sida Mozambique, Mali, Soomaaliya iyo bariga Jamhuuriyadda Congo.

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa taageeray in la sameeyo ciidan heegan ah oo Afrikaan ah oo ka hortagga argagixisada.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...