[Faahfaahino] kasoo baxaya dagaal ka dhacay duuleedka magaalada Kismaayo

0
Friday June 03, 2022 - 14:36:05 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 4119
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    [Faahfaahino] kasoo baxaya dagaal ka dhacay duuleedka magaalada Kismaayo

    Jimco, Juun, 3, 2022 (WAAGACUSUB ) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaare kala duwan oo ka dhacay duuleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jimco, Juun, 3, 2022 (WAAGACUSUB ) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaare kala duwan oo ka dhacay duuleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab iyo kuwa Al-shabaab, waxaana dagaalka uu bilaawday kadib markii ciidamada Kumaandooska Danab oo ka baxay magaalada Kismaayo uu dagaalka ku qabsaday deegaanka lagu magacaabo Yaaq Xaluul oo ku yaala duuleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalka oo socday mudo ku dhaw hal saac ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aanan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka.

Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda dagaalka ka dhacay deegaanka Yaaq Xaluul ayaa sheegatay in Kolonyada ay la dagaalameen ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo Ajaanib ah oo la socday kuwa Danab, inkastoo wali saraakiisha ciidamada Danab aysan ka hadlin weerarkaas.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah la beegasata ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka nabad ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya ee Midowga Afrika ee ATMIS.
W/Q/ Khadar Barre

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...