[Wardegdega] Amiirkii Alqaacida Ayman Al Zawahiri oo la dilay

0
Tuesday August 02, 2022 - 06:52:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Wardegdega] Amiirkii Alqaacida Ayman Al Zawahiri oo la dilay

    Waagacusub.com - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa shaaciyay in Mareykanku uu duqeyn ku dileen hoggaamiyihii ururka Al-Qaacidda, Ayman Al-Zawaahiri. Joe biden Wuxuu sheegay in shakhsiyan isaga uu amar ku bixiyay hawlgalkaasi oo Sabtidii ka dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Photo:Ayman Al Zawahiri
Waagacusub.com - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa shaaciyay in Mareykanku uu duqeyn ku dileen hoggaamiyihii ururka Al-Qaacidda, Ayman Al-Zawaahiri. Joe biden Wuxuu sheegay in shakhsiyan isaga uu amar ku bixiyay hawlgalkaasi oo Sabtidii ka dhacay caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul. Madaxweyne Biden wuxuu sheegay in Ayman Al-Zawaahiri uu ahaa ku xigeenka Cusama Bin Laden isla markaana uu aad ugu lug lahaa weerarkii 11-kii September 2001 lagu qaaday gudaha dalka Mareykanka, weerarkaa oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3,000 oo qof. Waxa uu sheegay in dilka Al-Zawaahiri uu soo afjarayo xanuunkii hayay qoysaska dadkii waxyeellada ay ka soo gaartay weerarkaasi.
Biden wuxuu sheegay in Al-Zawaahiri caddaaladda la mariyay, sidaa awgeedna uu Meesha ka baxay hoggaamiyahaasi Al-Qaacidda.
Waxa uu intaasi ku daray in dalka Afghanistan uusan mar dambe noqon doonin meel ay argagixisadu gabbaad ka dhigato.

Saacado ka hor inta madaxweyne Biden uusan warkan shaacin ayaa Afhayeen u hadlay ururka Taalibaan Zabihullah Mujahid, waxa uu sheegay in Mareykanku uu duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay gudaha magaalada Kabul balse marnaba ma uusan soo hadal qaadin dilka Ayman Al-Zawaahiri.
Waxa uu cambaareeyay duqeyntaasi, waxa uuna ku tilmaamay ku xad-gudub shuruucda caalamiga ahi.

Loading...

Saaraakiil sar-sare oo ka tirsan Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa in ay sheegeen in xubnaha ururka Taalibaan ay ogaayeen joogitaanka Al-Zawaahiri ee magaalada Kaabuul, arrintaasina ay tahay mid lid ku ah heshiiskii dhexmaray Mareykanka iyo ururka Taalibaan ka hor inta aysan Afqaanistaan ka bixin ciidamada Mareykanka.

Waa kuma Ayman al-Zawahiri?

Ayman Al-Zawahiri, oo u dhashay dalka Masar wuxuu gacan ka geystay dhismaha kooxaha Jihaad-doonka ah ee gudaha Masar.

Waxaa lagu tilmaami jiray inuu gacanta midig u ahaa Cusaama Bin Laden, uuna wax badan ka abuuray fikradda uu ku dhisnaa ururka Al-Qaacida.

Al-Zawahiri wuxuu waxbarashadiisa aasaasiga ah ku qaatay iskuulka Heliopolis, kaddibna wuxuu ku biiray jaamacadda Qaahira oo uu ka bartay cilmiga dhakhtarnimada ee qalliinka guud.

Ninkan wuxuu ururrada Islaamiga ah ku biiray isagoo aad u da' yar, wuxuuna tagay meelo kala duwan oo ay fariisimo ku lahaayeen, ilaa uu markii dambe saldhigyo ka sameystay dalalka Pakistan iyo Afghanistan.

Sannadihii uu midwgii Soviet ciidamadiisa kala baxayay Afghanista, al-Zawahiri wuxuu sida la aaminsan yahay ku noolaa dalalka Bulgaria, Denmark iyo Switzerland.

Mararka qaarna wuxuu baasaboorro been abuur ah u adeegsaday safarro uu ku tagay waddmada Balkans, Austria, Yemen, Iraq, Iran, iyo Philippines.

Xukuumadda Washington ayaa mar Al-Zawahiri u aqoonsatay qofka labaad ee loogu doon doonista badan yahay, marka laga soo tago qofka koowaad oo ahaa Bin Laadin.

Wuxuu kaalinta labaad uga jiray liiska dadka loo heystay mas'uuliyadda weerarradii 1998-kii laga fuliyay safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dar Al-Salam.
Khubarada qaar ayaa rumeysan inuu ka mid ahaa xubnihii ugu waaweynaa ee ka dambeeyay weeraradii Sebtember 11, 2001, maadaama magaciisa uu ahaa kii labaad ee Bin Laden ku jiray liiska 22-ka "argagixiso sida weyn u raadinayay" Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa u qoondeysay abaalmarin dhan 25 milyan oo doolar qofkii gacan ka geysta helitaankiisa.

Khubarada qaar ayaa tilmaamaya in Ururka Jihaadka ee Masar uu la wareegay Al-Qaacida ka dib markii ay isbaheysteen dhammaadkii sagaashamaadkii.

Al-Zawahiri ayaa markii ugu dambaysay lagu arkay magaalada Khost ee bariga Afghanistan bishii Oktoobar 2001, markaas oo Washington ay bilowday ololaheeda milateri ee ay ku doonayso inay ku rido xukuumaddii Taliban ee xilligaas.

Isaga oo kaashanaya rag ay isku qabiil yihiin ayaa waxaa u suurogashay inuu ku dhuunto gobollada buuraleyda ah ee ku teedsan xadka u dhexeeya Afghanistan iyo Pakistan.

Al-Zawahiri ayaa soo muuqday isagoo ka mid ah afhayeennada ugu caansan Al-Qaacida. Wuxuu ka soo muuqday 16 cajaladood oo maqal iyo muuqaal ah 2007 -dii, taasoo afar jeer oo ka mid ah uu ka muuqaday muuqaalka Bin Laden.

Al-Zawahiri, wuxuu ku dhashay caasimadda Masar ee Qaahira, June 19, 1951, wuxuu ka soo jeedaa qoys dabaqadda dhexe ah oo la yaqaan, oo ay ku jiraan dhakhaatiir iyo culimo badan.

Awoowgiis, Rabih al-Zawahiri, wuxuu hayey jagada Sheekha ee Masaajidka Al-Azhar, oo ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee barashada diinta Islaamka ee Sunniga ah ee Bariga Dhexe, halka mid ka mid ah abtiyaashiisna uu ahaa xoghayihii ugu horreeyay ee Jaamacadda Carabta.

Maxaa ka jira dhimashada hoggaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri?

Sida laga soo xigtay Encyclopedia Britannica, Al-Zawahiri wuxuu ku koray xaafadda Maadi, oo ku taal koonfurta Qaahira, waxaana si weyn saameyn ugu yeeshay dhallinyaranimadiisii ​​qoraalladii Sayid Qutb.

Markii uu yaraa, oo uu Dugsiga dhiganayay Al-Zawahiri wuxuu ku lug yeeshay dhaqdhaqaaqyadii siyaasadda Islaamka markii. Waxaa la xiray isagoo shan iyo toban jir ah ka dib markii uu ku biiray ururka Ikhwaanul Muslimiin ee la mamnuucay.

Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ka mid ah kooxaha ugu faca weyn Islaamiyiinta Masar.
Hase yeeshee dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee al-Zawahiri kama hor istaagin inuu caafimaadka ka barto Jaamacadda Qaahira, oo uu ka qalin-jabiyay 1974-kii.

Kadib muddo 3 sano oo u ahaa dhakhtar qalliinka, 1978-kii wuxuu qaatay shahaadada masterka ee qalliinka.

Intii u dhexeysay 1980-kii ilaa 1981-gii wuxuu u safray Peshawar, Pakistan isagoo shaqaale gargaar oo ka tirsan Bisha Cas, halkaas oo uu ku daweeynayay qaxootigii uu saameeyay dagaalkii Afgaanistaan. Muddadaas, wuxuu dhowr safar ku maray xadka Afgaanistaan, halkaas oo uu indhihiisa ku arkay dagaalka.

Waxaa la soo weriyay in aabihiis, Muxammad, oo dhintay 1995 -kii, uu ahaa macallin dhiga Kuliyadda Caafimaadka gaar ahaan qeybta dawooyinka.

Al-Zawahiri ayaa markii hore bilaabay inuu raaco caadooyinka qoyskiisa, isagoo xarun caafimaad ka hirgeliyay xaafad ku taal Qaahira, balse durbadiiba wuxaa u soo jiitay kooxaha Islaamiyiinta oo markaasi ku baaqayay in la rido dowladdii Masar ee xilligaas.

Wuxuu ku biiray kooxda Jihaadka Islaamiga ee Masar tan iyo markii la aasaasay 1973 -kii.

Sannadkii 1981 -gii, waxaa lala xiray dadkii lagu eedeeyay dilka madaxweynihii Masar ee xilligaas Anwar Sadat.

Sadat wuxuu ka careysiiyay dadka u ololeeya Islaamiyiinta isagoo heshiis nabadeed la saxiixday Israa'iil, iyo xiritaanka boqolaal ka mid ah dadka naqdiya falalkii amni darro ee xilligaas.

Intii lagu guda jiray mid ka mid ah fadhiyadii dacwada, Al-Zawahiri wuxuu u muuqday afhayeenka eedaysanayaasha, sababtoo ah wuxuu si fiican u yaqaanay luuqadda Ingiriiska, waxaana la duubay isagoo maxkamadda u sheegaya:

"Waxaan nahay Muslimiin, waxaan rumeysannahay diinteena waxaana dooneynaa inaan dhisno bulsho iyo dowlad Islaami ah."

Al-Zawahiri ayaa la wareegay hoggaanka Kooxda Al-Jihaad ka dib markii uu dib u soo if-baxay 1993-dii, waxaana loo tixgeliyey inuu ahaa shaqsigii ugu weynaa ee ka dambeeyay weeraro is xigxigay oo ka dhacay gudaha Masar, oo uu ka mid ahaa isku daygii dilkii Ra'iisul Wasaarihii xilligaas Atef Sedky.

Sanadihii ka dambeeyay ka bixitaankii Soofiyeeti ee Afgaanistaan, al-Zawahiri waxaa la rumeysan yahay inuu deggenaa Bulgaria, Denmark, iyo Switzerland, wuxuuna mararka qaar isticmaali jiray baasaboor been ah si uu ugu safro Balkans, Austria, Yemen, Iraq, Iran, iyo Filibiin.

Encyclopedia Britannica ayaa sheegaysa in Bin Laden uu aaday Suudaan sannadkii 1992-dii, halkaas oo ugu dambayn Al-Zawahiri uu kula biiray , bishii Juun ee sannadkii 1995-tiina waxaa la isku dayay in la dilo madaxweynihii Masar Xusni Mubaarak.

Ka dib geeridii Bin Laden ee 2011, dhaxal sugaha Ayman al-Zawahiri, wuxuu u ballanqaaday inuu daacad u yahay Mullah Cumar isagoo wakiil ka ah al-Qaacida iyo ururrada hoos yimaada ee gobolka.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...