Fanaan heysta dhalashada Mareykanka oo Xaaskiisa ugu hanjabay inuu dilaayo kadibna isku sawiri doono Madaxeeda ?

0
Tuesday August 09, 2022 - 06:00:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 10290
  • (Rating 3.3/5 Stars) Total Votes: 4
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Fanaan heysta dhalashada Mareykanka oo Xaaskiisa ugu hanjabay inuu dilaayo kadibna isku sawiri doono Madaxeeda ?

    Waagacusub.com - Fanaanka Mohamed Abdulaahi Mohamed oo loo yaqaan ilkacase Qeys ahna Fanaan u dhashay beesha Ogaadeen oo heysta dhalashada Mareykanka ayaa Marwadiisa Naima Warsame ugu hanjabay si Live ah inuu Madaxa ka gooyn doono kadibna isku sawiri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Fanaanka Mohamed Abdulaahi Mohamed oo loo yaqaan ilkacase Qeys ahna Fanaan u dhashay beesha Ogaadeen oo heysta dhalashada Mareykanka ayaa Marwadiisa Naima Warsame ugu hanjabay si Live ah inuu Madaxa ka gooyn doono kadibna isku sawiri doono. Fanaan ilkacase Qeys ayaa Marwada uu qabo u soo galay Live xilli ay ku jirtay Tiktok kadibna wuxuu ku dhahay " Haddii aad mar dambe caaysid qabiilada Soomaaliyeed, walaahi waan ku dilayaa , madaxa intaan kaa jaro ayaan isku sawirayaa"

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad uga naxay hanjabaada Fanaanka heysta dhalashada Mareykanka ee Xaaskiisa ugu hanjabay dilka.

Hanjabaada Fanaan ilkacase Qeys waa dimbi marka loo eego sharciga Mareykanka ,wuxuuna ku muteeysan karaa Xabsi.

Naima Warsame oo loo yaqaan Naima Jookar waxey ka mid tahay gabdhaha ugu caansan Somalida ee mar walba caaya Qabiilada iyo madaxda Somalida.

Naima Jookar oo ah jilaa soo duubta muuqaalo waxey si xun u caaysay halgamaagii Soomaaliyeed Sayid Mohamed Abdulle Hassan oo ay ku sheegtay inuu ahaay qaniis .

Naima Warsame oo degan Minnesota laakiin loo diiday dhalashadda Mareykanka waxey horey dacwad been abuura ugu sameeysay nin Somalia oo ay ku dacweeysay inuu ku sameeyay Blackmailing, sida ay u sheegtay Fox News TV.

Mar dambe ayey Naima Warsame qiratay iney been abuurkaas u sameeysay sidii loo siin lahaay sharciga Mareykanka oo loo diiday.

Naima Warsame waxey horey ugu hanjabtay iney lacag ku bixineysa sidii loo dili lahaay gabadh uu dhalay Wariye Dahir Alasow oo faafiyay wareeysigii ay siisay Fox News Tv ee been abuurka ay ku sameeysan Muwaadin Somalia oo heysta dhalashada Mareykanka.

Naima Jookar hanjabaadeeda intaas kuma ekeeyn laakiin sidoo kale waxey qiratay iney lacag ku bixisay weerar lagu qaaday Marwada Dahir Alasow iyo Caruurteeda xilli ay ka soo baxeen School ku yaal Magaalada Breda ee Dalka Netherlands.

Kiiska Naima Warsame ayaa loo gudbiyay Ciidanka boliiska Netherlands kuwaas oo baaristoodu ay mudo qaadatay, waxaana la filayaa in dhawaan ay soo saaraan natiijada.


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...