Topnews:- Farmaajo oo ka cararay Muqdisho kadib markii uu xaqiiqsaday ?

1
Saturday October 01, 2022 - 18:05:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7015
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Topnews:- Farmaajo oo ka cararay Muqdisho kadib markii uu xaqiiqsaday ?

    Waagacusub.com - Kadib markii uu soo baxay in Albaabkii rajada ee Farmajo uu soo xermay shalay ayuu ka huleelay magaalada Muqdisho kadib markii ay u caddaatay inay Meesha ka baxeen laba arrimood oo u isku hallaynayey Farmajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Kadib markii uu soo baxay in Albaabkii rajada ee Farmajo uu soo xermay shalay ayuu ka huleelay magaalada Muqdisho kadib markii ay u caddaatay inay Meesha ka baxeen laba arrimood oo u isku hallaynayey Farmajo.
1- Farmajo waxaa uu sugayey inay kooxda Alshabab ay dalka la wareegi doonaan ama Khalkhal gelin doonaan si uu uga faa’iideysto isagoo isaga oohinaya waddaniyaddii dhalanteedka ahayd oo cid waliba oo la jirtay ka fahamtay kana goosatay, waxaana ugu dambeeyey Faarax Macallin oo yiri Farmaajo wuxuu ahaa fulay oo aan go’aan dowladeed qaadan Karin, laakiin hoosta ka lahaa aniga maxaa iga galay waxayga ayaan ka qaadanayey gabdheydana halka sirta dalka laga hago ayey ii joogtay haddana waxaa la ii geeyey hay’ad caalami ah oo ay magaca Somalia ku joogto iyadoo Kenyaan ah.
2- Dalka Itoobiya iyo Abiy oo fahmay inuu Farmajo ahaa ruux wareersan, isku buuqsan oo waxkasta oo ay u sameeyeen ay ka dhigi waayeen hogaamiye horjooge u noqon kara 15 milyan, halka Abiy uu hayo 100 iyo dheeraad milyan, waxayna go’aansadeen inay si dhab ah ula shaqeeyaan hoggaanka cusub ee Somalia ka dhashay, kaas oo leh aragti fog oo gaarsiisan heer goboleed iyadoo illalineysa danaha dalalka geeska oo aan isku xad gudbeyn.
Ka bixista oo Farmaajo Xamar ka baxay waxay u muuqataa inay tahay dhammaadka dhibkii uu dalka ku hayey kaas oo ay dad badani fahmi doonaan inuu yahay ruux ka naxaya Somalia iyo inuu yahay ruux daneyste ah.


Hadda waxaa la leeyahay waxaa uu aaday Turkiga oo ay ugu yeereen koox rabta markale inay soo rarato waddaniyaddii uu ku hadaaqi jiray, waxaana halkaas uga horreeya Fahad iyo kuwa la mid oo ah NN ka tirsana, kuna qabay wax xoogaa dhac dhac ah, balsa maata yaaban.

Isku soo duub, guulaha isdaba joogga ah ee dagaalka Alshabaab, ka dul qaadista dhaibaatada shacabka ay ku hayeen iyo waaga cusub ee ka baryey waddamada Kenya iyo Itoobiya  oo muujiyey inay heleen hogaan Somaliyeed oo sharf leh iyo milgo leh oo ay la shaqeyn karaan una ballanqaadeen inay Somaliya kala shaqeyn doonaan waxa uu hogaanka cusub ee MW Xasan Sheekh  la rabo, taas oo ah inay Somaliya soo garab istaagto walaalaheeda geeska Afrika iyadoo kala siman dhinac walba.

Laakiin dareenkan soo ifabaxayey maalmahan iyo isbadalka muuqda ee ka dhacay Kenya iyo Somaliya wuxuu xanuun ku riday Farmajo oo laga soo sheegay inuu maalmahan aad uga welwelsanaa, dhowr jeerna la hadlay safaaradda Itoobiya ee Muqdisho inuu tagi karo Addis Abeba balsa loo sheegay in warkiisa loo diray wasarrada Arrimaha dibadda ee Itoobiya lagana warsugayo.

Haddaba Shalay ayuu si hilhilasho ah uga tagay Xamar isagoo ku sii jeeda Istanbul, lana arki doonee waxa ay ku qabsadaan kooxda halkaas ugu tagi doonta maalmahan oo raba inay soo rartaan markale haddiiba uu rarmayo.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...