[Cadalad darada Somalia] Nin Abgaal ah Oo Dilay Nin Haber Gidir ah Laguna Badalay Nin Jareer ah

0
Sunday December 18, 2022 - 23:01:08 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 7569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    [Cadalad darada Somalia] Nin Abgaal ah Oo Dilay Nin Haber Gidir ah Laguna Badalay Nin Jareer ah

    "September 07, 2022 ayaa askar Taraafiko ah oo jid furanaysa waxay xaafadda Macaani ee Tareedisho ku dhaawaceen walaalkey Maxamed Xaashi Faarax oo 17 jir ahaa. Waxaan gaynay isbitaalka Digfeer, askarigii dilayna waxaa habeenkaas lagu soo xiray x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"September 07, 2022 ayaa askar Taraafiko ah oo jid furanaysa waxay xaafadda Macaani ee Tareedisho ku dhaawaceen walaalkey Maxamed Xaashi Faarax oo 17 jir ahaa. Waxaan gaynay isbitaalka Digfeer, askarigii dilayna waxaa habeenkaas lagu soo xiray xarunta Taraafikada, oo looga sii gudbiyay Xabsiga Dhexe.
Xeer ilaalinta ayaa dhegaysatay eedeymaha loo haysto askariga iyo 6 qof oo marqaati ah oo joogtay goobta ay wax ka dhaceen. 
October 20, 2022 ayuu walaalkey u dhintay dhaawicii. Intii uu isbitaalka ku jiray waxaa noo yimid qoyskii askariga, waxayna noo keeneen $1,000 oo aan u kaashannay qarashkii daawada intii uu dhaawaca ahaa. Waxayna odayaasha dhaqanku isla garteen in ay iska warsadaan wixii soo kordho.

December 07, 2022 ayaa noogala yeeray Maxkamadda Ciidamada. Waxaana nala hor keenay askarigii dilay walaalkey oo marqaati ah oo nin kale oo Jareer ah ku marqaatifuraya in uu walaalkey dilay.


Dorraad ayaa askarigii laga sii daayay Xabsiga Dhexe. Shalayna waxay Maxkamadda Ciidamadu dil toogasho ah ku xukuntay Cabdinaasir Cusmaan Nuunow oo ay ku sheegtay qisaasta dilkii walaalkey Maxamed Xaashi Faarax. 

Ma ogi ninka dilka lagu xukumay waxa uu yahay, balse waxaan caddeynayaa in uusan dilin walaalkey Maxamed Xaashi Faarax. Walaalkey ninkii dilay waa naqaannaa, 6 qof oo marqaati ah ayaa ku caddeysay, odayaashiisa dhaqankuna way nala xaaleen, oo iyaga ayaa bixiyay qarashkii daawada intii uu dhaawaca ahaa."

Dhacdadaan maahan midi ugu hoesay ee somalia laga diiwan galiyo waa dhacdoyin dhowr jeer kadhacay gacan kudhigleyal dad dilay oo lagu badalay dad anan falka galin wana si xaqdarana loogu toktay 

Somalia wexe kamid tahay Dalalka ugu musuq masuqa badan Dunida dhanka Garsoorka wana mid kamida kuwa ugu liita dhinaca cadalada 
Hadad kaso jedid beel hubesan ama reerkagu hesto hanti garsoorka wuxu sogalaya jebkaga oo waxad donta aya samenesa 

Dunida hadesan cadalad kajirin miye dadku nabad kuwada jogi lahayen 

ALI ADAN HASHI


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...